Saraakiisha dalka Nigeria ayaa sheegay in labo gabdhood ay geysteen laba qarax oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Borno ee dalkaasi, waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada Maiduguri, ayaa sheegay in gabdhaha oo ayagana markii dambe la dilay ay da’doodu ahayd toddobo ama siddeed sano jir. Booliska gobolka Borno ayaa sheegay in weerarku uu dhacay xilli suuqa Maiduguri uu mashquul ahaa dad badanna ay ku sugnaayeen. Xubin ka tirsan maleeshiya maxali ah ayaa sheegay in gabdhaha ay ka soo degeen mootada bajaajka Soomaalidu u taqaan, uuna isku dayay in uu la hadlo mid ka mid ah, laakiin ay iska indha tirtay kaddibna u dhaqaaqday dhanka koox iibineysa digaag, ka hor inta aysan qaraxa geysan. Qaraxa labaad ayaa dhacay wax yar uun kaddib markii dadka ay isku soo xoomeen, si ay u caawiyaan dadka dhaawacmay. Ma jirta cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, laakiin kooxda Boko Xaraam ayaa dhowr jeer u adeegsaday haween iyo carruur in ay ka geystaan weerarro goobaha ay ku sugan yihiin dadka badan.
December 12, 2016 - Written by

Madaxweynaha la doortay ee dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa BBC-da u sheegay in marka xilkaasi loo dhaariyo uu muhiimadda koobaad siin doono kobcinta dhaqaalaha dalkaasi.

Waxa uu sheegay in shaqo la’aan ba’an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.

Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in xafiiskaasi la dagaalanka musuqmaasuqa uu noqon doono mid ka madax bannaan mas’uuliyiinta dowladda, isla markaana uu noqon doono mid ay dadka oo dhan ku qanacsan yihiin.

COMMENTS