Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Kulan Is Barasho Ah La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada
December 15, 2016 - Written by

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Kulan Is Barasho Ah La Qaatay Shaqaalaha Wasaarada

Hargaysa(GLN)- Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha  Somaliland   Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur   ayaa  saaka  kulan  Is Barasho  ah La Qaatay  Shaqaale Weynaha Wasaarada Arrimaha Gudaha  Somaliland.

Agaasimaha  Wasaarada  Arrimaha Gudaha Ee Gobolada, Degmooyinka  Iyo Dawladaha Hoose Ee Dalka   Cilmi  Cabdiraxmaan Cashuur   Oo Laba Cisho Laga Joogo  markii uu Xilka  Kala  Wareegay  Agaasimihii Uga  horeeyey  Wasaarada  ayaa   shaqaalaha    saaka  u jeediyey  Kudbada  Diiri  Galin Iyo  Dardaaran  ah  Isaga  oo Dhanka  Kalana  Shaqaalaha Wasaarada Ugu  Bushaareeyey  Inaanu  kala xigtaysan   doonin  isla markaana  qof walba uu  ku  tix galin doono  shaqadiisa  iyo sida uu  uga soo baxo.

Agaasime Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur oo  arimaasi  ka  hadlayana  waxaa hadaladiisii  kamid  ahaa

“waxaad  iga  filataan  inaanaan  idiin  kala  eexan  idina  soo  kala  dhaweysan   isla  markaana  aanaan  qofna  qof u  maqli  doonin   qof walbana  aan   ku  qiimaynayo  shaqadiisa  iyo sida uu  uga soo  baxo”.

 

Jamal Abdi Muhomed

Spokesman  Somaliland  Ministry Of Interior,

p5 p1 p2 p3 p4

COMMENTS