Khasaare Ka Dhashay Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Sawiro
December 15, 2016 - Written by

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho waxay sheegayaan in uu qarax ka dhacay magaalada uuna dilay ugu yaraan hal ruux.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow tiyaatarka qaranka ee magaalada.

Qofka dhintay ayaa ahaa darawalkii gaaariga qarxay waday, sida ay sheegeen laamaha ammaanku

Jeneraal Goobaale oo Muqdisho lagu dilay

Sawirada qaraxa suuq ku yaal Moqdisho

Waxay xaqiijiyeen in qofkaasi uu ahaa nin is qarxiyay, gaarigun uu ahaa nooca raaxada.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay seddax qof oo shacab ah, sida uu sheegay sarkaal laamaha amniga ka

tirsan.

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxan wuxuu imaanayaa ayadoo maanta la filayo in Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.

Source:-BBCsomali

 

COMMENTS