Daadgureynta shacabka Xalab oo sii socon doonta
December 16, 2016 - Written by

Daadgureynta shacabka iyo fallaagada Suuriya ayaa la filayaa in maalintii labaad ay ka sii socon doonto bariga magaalada Xalab.

In ka badan 3,000 oo qof ayaa Khamiistii basas looga qaaday xaafadaha uu burburka weyn soo gaaray, hasayeeshee Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ilaa iyo 50,000 oo qof ay weli ku xayiran yihiin halkaasi.

Ciidammada dowladda oo ay baritaarayaan xulafadooda Ruushka ayaa waxa ay todobaadkan la wareegeen ku dhawaad dhammaan qeybihii ay Xalab ka maamulayeen kooxaha fallaagada.

Mareykanka ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda Suuriya inay magaalada ku qaadday wax aanan xasuuq ka yarayn.

Suuriya iyo Ruushka ayaa si joogta u diiday inay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa Khamiistii bogaadiyay “xoreynta” Xalab kaddib in ka badan afar sano oo uu halkaasi dagaal ka socday.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS