Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Sagaal askari ku dileen dagaal ka dhacay degmada Afgooye
August 11, 2016 - Written by

 

Afgooye(Gacanlibaaxnews.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in sagaal askari ku dileen dagaal xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ee Somaliya, kadib markii ay weerar ku qaadeen fadhiisimo  ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya .

Warar lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera Kooxda  Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana ciidanka dowladda looga saaray bar koontarool ah oo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha  Degmada Afgooye.

Dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacay Suuqa Xoolaha degmada Afgooye, halkaasoo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda Somaliya , waxaana halkaas ka socday dagaal qaatay nusa saac in ka badan.

Dadka deegaanadasi ku  ayaa sheegaya in rasaasta iyo hubka la is weydaarsanayay ay ku soo dhacayeen xaafadaha qaar, ayna jiraan dhaawacyo dad rayid soo gaaray, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye  iyo Xukumada Somaliya oo ku Sabsan dagaalkii xalay ka dhacay degmadaas.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku soo qaaday degmada Afgooye oo magaalada Muqdisho u jirta qiyaastii 30-KM.

Sikasta ha ahaate Bilihi ugu danbeyay waxa si Kordhayey weerarada Kooxda Al-Shabaab ayaa ku Qadayaan Xukumada Somaliya iyo Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.

WWW.Gacanlibaaxnews.com

 Hargeysa/Office

COMMENTS