Dalalka ingiriiska iyo jarmalka Oo lacago Ugu Deeqay dadka ay Abaaruhu Sameeyey Ee ku Dhaqan somaliland.
December 17, 2016 - Written by

Nairobi (GLN)- Duwalkii Caalamka ee Madaxda XISBIGA WADDANI kulamada is dabajooga ah kula qaateen dalka Kenya oo durba ka soo jawaabay dalabyadii Xisbigu u bandhigay ee ay ugu tunka weynayd asmada ka dhalatay abaarta baahdan ee ku dhufatay Gobolada SOMALILAND.

7,000,000 ยฃ Todoba Million Oo Lacagta Giniga Ingiriiska ah waxa Ku yaboohday Dawladda UK .

Halka 5,000,000 & Shan Million oo Dollar ay Ku deeqaday Dawladda GERMANY .

Mar dhawayd waxaa soo xidhmay shir ay isugu yimaadeen dhammaan safaaradihii aanu kulamada la yeelanay ee kala aha dalalka, USA UK, France, GERMANY DENMARK UNITED NATION , EUROPE iyo IGAD waxaana loo qabtay shirkan abaaraha SOMALILAND

Shirkan deg dega ah waxa lagu go’aamiyay in wafdi dag dag ah loo diro dalka SOMALILAND muddo laba cisho gudahood ah, wafdigaas oo ugu horreyn ka degi doona magaalada Hargaysa ee Caasimadda dalka .

Lacagta kor ku xusan waxa ku deeqay dalka U.K. Iyo GERMANY dhammaan dawaladaha kalena balan qaadyo deg deg ah ayay soo wadaan

Wafdiga XISBIGA WADDANI ee ku sugan Nairobi waxay ugu baaqayaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE in aanay ka hinaasin dedaalka Xisbiga WADDANI ugu jiro dalkiisa iyo dadkiisa abaaruhu aafeeyeen, ayna soo dhaweeyaan wafdiga miisanka leh ee ku soo aadan dalka waayo dhammaanteen waxaynu u shaqaynaynaa shacbigeena oo u baaha

 

COMMENTS