MUDNAANTA YAA LEH : ABAARTA KULMIYA MISE JILIB HOOSE OO KA MID AH BEESHA HABAR CAFAAN ?
December 17, 2016 - Written by
ukuumada Kulmiye waxay u soo guurtay Borama , waxaana yimid   Madaxweyne Ku Xigeenkii; Wasiirkii Madaxtooyada;Wasiirki Warfaafinta ; Wasiirki Caafimaadka ; Wasiirki Waxabarashada  iyo qaar kale oo badan.  Waxa  loo yimid may ahayn Dan-qaran ee waxay ahayd  soo dhawanynta  jilib hoose  oo ka tirsan  Beesha Habar Cafaan “ oo la yidhi waxay kusoo biirtay Xisbigga   Kulmiye. Waxa la adeegsaday  hantidii ummada iyo khasnadi dawladda.  Weli lama gaadhin   Ololahii doorashada , wadankana   waxa ka jirta  abaar  adag oo kulmisay Bari , Galbeed, Coonfur iyo Waqooyiga Somaliland. Waa markii ugu horaysay taariikhda  Somaliland  ee dad iyo duunyaba  lagu soo daad gureeyo  Doonyo “ Boats “ , lagana keeno  Xeebaha Bariga Somaliland  oo la dejiyo  Galbeedka Somaliland. Waxa xiligan adag loo bixiyay  laguna xasuusan doona  “ KULMIYA”. Waxay ahayd inay xukuumado u gurmato  oo dhawaaq dheer u dirto beesha Caalamka  . Waxaan ugu baqayaa  Suldaan Dhawal ama Khawal, Madaxtooyada , Hogaanka Kulmiye  iyo Maga-faayasha   ku mamay hantida danyarta inay joojiyaan  durbaanka & damaashaadka ay ku jiraan deg-degna ugu gurmudadaan dadka  iyo duunyada  tabaalaysan .Waxaan shacbiga Somaliland xasuusinyaa in  KULMIYA-2016   tahay  abaartii  ugu xumaayd   ee soo marta Somaliland 100 kii  sandood ee ugu danbeeyay . Xaarama Cune 1914, Hawaara 1924, Adhi Gaba 1934, Jiitama 1944, Siiga Case 1954, Gaadhi-gaadhisaar 1964, Dabadheer 1974, Dhibijaale 1984, Kulmiya  2016.Waxaan ilaahay ka baryayaa Raxmaad khar leh oo maansheeya geyiga Somaliland iyo  dhamaanba  Geeska Afrika .
Wuxuu yidhi Abwaan “ Laab Salaax “ : Waqtiagoo  mar Gudhan baa;  Mar Godlada barwaaqo;Waa Giraan Aduunyadu; Hadba Gelinba caynee;Adigoo Gargaar bidey ; Ruuxa gacan ku sin kara; Abaal Maanta uu gabey;  Berri Yaanu kuu gelin.
Wa bilaahi Towfiiq.
Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

COMMENTS