Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Komishanka Ku Eedeeyey Inay Ka Gaabiyeen Bilowga Diiwaangelinta Gobolka Sool.
August 25, 2016 - Written by
Hargeysa(GLN)_Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Komishanka Ku Eedeeyey Inay Ka Gaabiyeen Bilowga Diiwaangelinta Gobolka Sool.
Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa ka Hadlay Diiwaangelinta Kasocota Gobolka sool Gaar ahaana Deegaamada Caynaba ,Abaaro Ka Jira Halkaasi,Dib u Dhaca Bilawgii Diiwaangelinta iyo Qalabkii Lagu Shaqaynayay oo Qaarkood Shaqayn Waayeen
Faarax Dheere Wuxuu Sheegay In Deegaamada Laga bilaabay Diiwaangelinta ee gobolka Saraar ay ka Jirto Xaalad Abaareed oo Adag Taasi oo keentay inay Dadka reer Guuraaga Ahi KA hayaamaan Deegaamadoodii
Wuxuu intaasi ku Daray In Sidoo kale ay CArqalad Ku tahay Diiwaangelinta Abaaraha Dhacay iyo Xiligan oo uu Sheegay inay Dadka Reer Miyiga Ahi Iibsanayaan Xoolaha Bisha Arafo Laga Dhoofiyo Somaliland isla MArkaana Dadkii Waayeelka Ahaa Ku Maqan yihiin Magaalooyinka Iyagoo ku MAshquulsan Iibsashada Xoolahooda
Xildhibaanka Ayaa Ka dhawaajiyay inay goobo Badani oo La geeyey diiwaangelinta Ay shaqayn Waayeen Qalabkii Dadka lagu Tirakoobayay Waxaana uu yidhi Isagoo Arimahaasi Ka HAdlaya Sidan
“ Abaaro Ayaa Ka jira Deegaamada Saraarta,oo dadkii waa Ay Hayaameen,Cid Isdiiwaangelinaysa Waa Yar tahay Maxaa Yeelay Dadka Waayeelkii ayaa Kaga MAqan MAgaalooyinka oo ku jira Iibsashada Xoolaha Nool ee bisha Arafo Dalka laga dhoofiyo,Waxaana Xusid Mudan in Deegaamada Galbeedka MArkii Ay Abaarta ka dhacday Mudo Kale loogu Daray,Isla markaana Ay Komishanku Isha GAar ugu Hayeen,Balse MA Garan karno Waxa Ay Hada Komishankii Ku MAshquulsan Yihiin Iyadoo Gobolkii ugu danbeeyey laga wado diiwaangelintii,Sidoo kale wax kormeer ah Umaysan soo dirin Deegaanka si ay ula socdaan Inuu Qalabkii Shaqadu Caadi yahay iyo inuu xumaaday Toona,Iyagoo Goboladii Hore ee ay kazoo shaqeeyeen Heegan ugu jiray Dardargelinta Diiwaangelinta ”
Xildhibaan Faarax Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Waxaa uu Komishanka Doorashooyinka Somaliland Usoo jeediyay Inay Yimaadaan gobolka Isla MArkaana Dersaan Xaalada Ay u socoto Diiwaangelintii ugu danbaysay ee Shaqadooda oo Aan Weli Goobo Badan ka Bilaabmin Dhanka deegaamada Saraar oo Abaaro Badani KA Jiraan waxaana uu Yidhi
“ Horta sideedaba Diiwaangelinta Amase Doorashada iyo Abaaruhu Waa Col oo la ismaba Tusi karo Iminkana Laba Maalmood Ayaa Hada Ka lumay Shacabka deegaanka Waxaana ka lumiyay Komishanka oo shaqadoodii Ka GAabiyay Waxaanan usoo jeedinayaa inay shacabka si ay caadi isugu diiwaangeliyaan ugu daraan labadaas Maalmood ee ka lumay iyo Maalmo kale oo weliba dheeraad ah,Hargaysana Inay iska Fadhiyaan MAaha oo ay Shaqaale Soo Diraan ileen Komishanku Camal Kale MA HAyaane