Mid ka Mid ah Musharaxiinta U Tartamaysa Madaxtinimada Somaliya Oo Magalada Muqdisho ku soo bandhigay Ajandihiisa siyaasadeed (Sawirro).
December 17, 2016 - Written by
Mid ka Mid ah Musharaxiinta U Tartamaysa Madaxtinimada Somaliya Oo Magalada Muqdisho ku soo bandhigay Ajandihiisa siyaasadeed (Sawirro).
Muqdisho(GLN)_Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG aheyd Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday Hotelka City Palace.
Munaasabada oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, odayaal dhaqameedyo, haween, siyaasiyiin iyo dadweyne kale, waxaana xubnihii ka hadlay ay sheegeen in Cali Geeddi uu yahay nin leh aragti siyaasadeed, isla markaana uu yahay qof mudan xilka Madaxweynaha.
Wasiiru dowlaha Cadaaladda Xasan Muungaab oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in dalka u baahan yahay is bedel ku yimaada hoggaanka dalka, isagoo xusay in Cali Maxamed Geeddi uu ahaa raggii bud-dhigaha u ahaa dowladnimada hada jirta.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo munaasabad ka hadlay ayaa sheegay in Musharaxiin badan ay isu soo taageen xilka, kaddib markii dowladda hada jirta ay xadgudub iyo ku tagri fal ku sameysay awooda dowladnimada, isla markaana dadka isku soo taagay xilka ay doonayaan inay qaranka bad baadiyaan.
Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu isu soo taago Musharaxnimada xilka Madaxweynaha, isagoo xusay in Xukuumaddii uu hogaaminayay ay suura gelisay in kursiga Madaxtinimada ay keentay Villa Somalia, muddo 20-sano kaddib.
Waxaa uu halka dhig ugu dhigay ajandihiisa siyaasadeed Hanasho Qaran iyo Himilo Dheer, isagoo xusay inuu leeyahay aragti siyaasadeed oo ku wajahan nabada, amniga, dib u heshiisiinta, xukunka dimoqraadiga, adeeg bulsho soo kabasho dhaqaale, horumar iyo dib u dhis.
Mar uu ka hadlayay dowladda hada jirta ayaa waxaa uu ku eedeeyay inay sameysay boob hantida qaranka, isagoo ka dhawaajiyay in hadii uu xilka ku guuleysto ay tallaabada ugu horeysay ee ay dowladdiisa qaadi doonto ay tahay la xisaabtan.
Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku biiraya siyaasiyiin fara badan oo isku soo taagay Musharaxnimada xilka Madaxweynaha.