Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi)
December 18, 2016 - Written by

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo Suugaanta

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo Suugaanta, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi)  oo ku geeriyooday 18/12/2016, magaalada Hargeysa laguna aasay xabaalaha masalaha maanta.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey  hal abuur ku suntan taariikhda inta Af-soomaaliga ku hadasha iyo ta shacbiga Somalilandba, waxaanu door muhiima ka qaatay tilmaanta iyo toosinta quluubta shacbiga Somaliland gaar ahaan wakhtiyadii adkaa ee uu dalku ka
soo gudbay. Abwaanku waxa uu  tusaale wanaagsan u ahaa bahda fanka iyo suugaanta, kaalintiisuna waa mid ku banaanan doonta shacbiga Somaliland iyo inta Afka Soomaaliga ku hadasha, lana tebi doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo Suugaanta, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

 

COMMENTS