DEG DEG: Qarax wayn Oo Cawa dhacay Nawaaxiga Xeebta Liido Ee Magalada Muqdisho.
August 25, 2016 - Written by

muqdisho(GLN)_Wararka ka imanay casimada somaliya ee muqdisho ayaa sheegayaa in cawa Qarax wayni  ka dhacay nawaaxiga Xeebta Liido ee degmada C/casiis, iyadoo qaraxa kadib la maqlayo rasaas culus.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka rasmiga ah ee uu qaraxa ka dhacay, warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa baabuur uu ka dhacay meelo ku dhow maqaayado ku yaala hareeraha xeebta Liido.

Qaraxa ka hor waxaa magaalada Muqdisho qeybo ka mid laga maqlay rasaas iyo jug culus oo u muuqatay madaafiic la soo riday.

SIkasta ha ahaate qaraxayadan  ayaanay wax war ah ka soo bixi cida gaystay

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco

WWW.Gacanlibaaxnews.com

COMMENTS