Mar kasta oo aan hiifitaan iyo haaraan kula kaco warbaahinta Somalilaand, haddana waxa i dejiya markan aan muuqaalkan oo kale daawado. Waxa aan dareemaa in weli dad nool yihiin. Waxa aan dareemaa halabuurnimada aqoontu ku dhisan tahay ee saxaafaddu ay muhiim u tahay horumarka iyo u-adeegista nolosha bulshada. Waxa aan dareemaa inay joogaan dadkii aqoonta, hibada iyo halabuurnimada u lahaa warbaahintu Somaliland joogaan ama ay dadka Somaliland ku dhex jiraan.
Waxa dhawaan soo baxay documentary filim runtii aad u qiimo badan oo farriin culus xanbaarsan. Waxaana documentary loogu magac daray “HALKII AAN KA IMI 2AAD: Xalka Waxbarasho La’aanta Migi.” Runtii waa documentary film ka hadlaya waaqaca dhabta ah ee dadka miyiga haysa. Wuxuu iftiiminayaa dhibta waxbarasho iyo culayska waxbarasho la’aanta, iyo xalka laga bixi karo. Wuxuuna sida oo kale uu hore u soo saaray. ““HALKII AAN KA IMI 1AAD: Dhibta Waxbarasho La’aanta Miyiga.”
Waxa aan hambalyeynayaa suxufiga CABDISHAKUUR XAAJI MUXUMED MUUSE (Heersare) oo sameeyey documentary filimkaa. Runtii wuxuu muujiyey dadaal wax ku ool ah oo uu dadka ku wacyigeliyey, Iyadoo uu muuqaalkaa laga arkyo guushii ka dhalatay halkii aan ka imi 1aad oo uu hore u soo saaray, isla markaana wiilkii ku jiray uu deeq waxbarasho helay.
Wuxuu soo bandhigay Cabdishakuur muqaal aad u yaab badan oo xanbaarsan dhib iyo xal is barkan. Wuxuu muujiyey in dadka miyigu isku tashan karaan oo ay ka bixi karaan dhibta waxbarasho la’aanta iyagoon cid kale wax ba ku sugin sida ay yeeleen dadka ku dhaqana deegaanka Dhooboyweyn.
Kollay ba aniga aad ayuu ii deeqay documentary filimkaasi. Weriyaasha kale waxa aan ku boorin lahaa sidaa Cabdishakuur Heersare yeela oo barnaamijyo dhaxal gala soo sameeya. Weliba weriyeyaasha ka soo jeeda deegaanno ay dhibaato ka jirto ha soo bandhigaam dhibtaan, iyagoo adeegsanaya xifraddooda weriyenimo. Weriyaasha kale ee sida Cabdishakuur ummada waxa wanaagsan u horseedaya idinlkood waan bogaadinayaa oo waan salaamayaa.
Ciiddii aan daawan documentary filkimkaas waxay ka daawan kartaa Youtube-ka oo uu ku jiro, ama halkan links-yadan ku dhafta oo halkaa ka daawada: