Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Cawa ka dhacay Maqaayada ku Taala Magalada Muqdisho iyo Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay.
August 25, 2016 - Written by

Muqdisho(GLN)_Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyaan weerar caawa fiidkii lagu qaaday Maqaayada ku taala magalada muqdisho gar ahaan agagaarka  Xeebta Liido.

War qoraal ah oo  Al-Shabaab  ay soo dhigeen baraha Internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in  dableydooda ay howl gal ka wadaan gudaha maqaayada Banaadir Beach, ayna dagaalyanadooda ku jiraan.

Weerar ku bilowday qarax ayaa ka dhacay agagaarka Banaadir Beach, dabley hubeysan ayaa xoog ku galay afaafka hore ee maqaayada, iyagoo bilaabay rasaas inay ku furaan dadkii ku sugnaa.

Baabuurta loo yaqaano ambalaasta ayaa soo daad-gureynayay dad ku dhaawacmay, waxaana wali la maqlayaa dhawaaqa baabuurta ambalaasta.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Maxamed Cumar ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in ciidamada NISA ay ka wadaan maqaayada howl gal, isla markaana gudaha ay dabley hubeysan ku jiraan.

Ilo ku dhow dhow saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in illaa saddex dabley ay ka dagaalamayaan gudaha Maqaayada.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana adag in la helo warar rasmi ah, maadaama ay habeen tahay, waxaana xiran dhamaan waddooyinka gala Xeebta Liido oo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka.

Maqaayada Banaadir Beach ah ayaa ah goob ay dhalinyarada ku caweeyaan, waxaana habeenka jimcaha ay tahay habeen camiran oo ay isugu tagaan dhalinyaro.

Sources;JOWHAR

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS