Guddiga doorashooyinka Somaliya Oo soo saaray xeerarka anshaxa doorashooyinka.
August 26, 2016 - Written by
Muqdisho(GLN)_Guddiga hirgelinta doorashooyinka somaliya ayaa soo saaray xeerar hubinaya anshaxa geeddi socodka doorashooyinka, iyadoo Guddiga uu ku dhawaaqay in la guda galay wajigii labaad ee hanaanka loo marayo doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka somaliya Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle (Cumar Dhagey) oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka warbixiyay xeerarka ay soo saareen iyo habraaca loo marayo doorashooyinka dhowaan ka dhici doona somaliya.
Avv. Cumar Dharey ayaa sheegay in Guddigooda uu bilihii u dambeeyay waday howlaha farsamo oo la xidhiidha hirgelinta doorashooyinka iyo diyaarinta habraacyada shuruudaha ergada la soo xulayo iyo musharaxiinta.
“Waxaa diyaarinay habraaca iyo shuruudaha la xiriira doorashooyinka sida ergada la soo xulayo oo ah 14025 iyo musharaxiinta kuraasta Baarlamaanka ee aqalka hoose 275 iyo aqalka sare ee 58, maalmihii u dambeeyay waxaa tababar qaadanayay 66 xubnood ee Guddiga doorashada dowlad goboleedyada iyo 22 xubnood Guddiga ah , waxayna ka arrinsanayeen sida loo herglin lahaa hanaanka doorashada, iyadoo la raacayo go’aanada siyaasadeed eek a soo baxay shirarkii madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.
Waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda la bilaabayo tababar wacyi gelin ah oo la siinayo Madax dhaqameedyada 135 oday, isagoo xusay in wacyi gelinta iyo tababarada ay ka kala dhici doonaan magaalooyinka ay ka soo jeedaan oday dhaqameedyada, sida Garowe, Cadaado, KIsmaayo, Muqdisho, iyo Baydhabo sida u hadalka u dhigay Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka somaliya.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in 12-ka September ay iclaamin doonaan diiwaan gelinta musharaxiinta Baarlamaanka, lana guda gali doono wajiga labaad ee doorashooyinka, isagoo xusay in ergada la xareynayo ay soo xuli doonaan Xildhibaanada aqalka hoose, halka Xildhibaanada aqalka sare ay hor-tagi doonaan baarlamaanada dowlad goboleedyada oo iyagana soo xulaya sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayay xeerar ay soo diyaariyeen oo la xidhiidha anshaxa doorashada ayuu sheegay in dhamaan musharaxiinta ay saxiixi doonaan xeerarkaas, kaasoo ah mid lagu ilaalinayo hanaanka doorashada, isla markaana si cadaalad ah iyo sinaan loogu adeegayo, isagoo tilmaamay in madaxda hada xilka heysa ay qeyb ka yihiin saxiixa.
“Waxaa diyaarinay xeer anshax loogu tala galay inay saxiixaan musharaxiinta waxaa ku jira madaxda hada xilka heysa, waxaa laga saxiixayaa dhaqamada looga baahan yahay inta lagu jiro tartanka doorashada, waxaa ka mid ah in loo sinaado fursadaha adeegyada dowladda, sida warbaahinta qaranka”ayuu yidhi Avv. Cumar Dhagey oo intaa ku daray in Madaxda talada heysa ay ka ilalainayaa in aanay olalooda u adeegsan hantida iyo warbaahinta qaranka.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inay rajeynayaan in waqtigii ay ugu tala galeen doorashada inay ku qabsoonto, isla markaana ay illaa iyo haatan u marayaan qorshe howleedka ay dejiyeen.