militariga Mareykanka oo joojiyay taageerada ciidamada Liibiya
December 21, 2016 - Written by

Militariga dalka Mareykanka wuxuu sheegyaa inuu soo afjaray gacanta uu siinayay ciidamada Liibiya.

Mareykanka ayaa caawinyay ciidamada dagaalka kula jiro daacish ee dhawaantan qabsaday magaalo xeebeedka Sirta.

Saraakiisha waaxda difaaca Pentagon ee Mareykanka, waxay sheegayaan in tan iyo bilowgii duullaanka ay duqeeyeen daacish.

Mucaaradka Liibiya oo qabsaday xarumo shidaal

Tahriibayaal badda lagu la’ yahay

Diyaaradaha duuliya la’aanta ah ee drones-ka ee Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 500 oo duqeyn oo ka dhan ah xarumaha daacish tan iyo markuu weerarka bilowday.

Sabtidii, dowladda midnimada qaran ee Libiya waxay sheegtay in la soo afjaray howlgalkii militari ee Sirta.

Inkastoo mintidiinta lagu jebiyay dagaallada gobollada qaar, hadana weli sir firfircoon ayey uga howlgalaan Liibiya.

Dhowantan waxay weerar is qarxin ah ku qaadeen magaalada Banqazi.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS