Mudaharadyo Lagaga Soo Horjeedo Madaxweynaha Congo Oo Sababay Dhimashada 20 Qof
December 21, 2016 - Written by

In Kabadan  20 Qof Ayaa Lasheegay Inay Ku Dhinteed  Iska Hor Imaad Dhex Maray  Dad Gadoodsanaa Oo Mudaharaadayay Iyo Ciidamada Ammanka .

Iska  Hor Imaadkan Ayaa Kadhacay  Caasimadda Dalka  Congo Kinshasa. Dadkan Mudharadayay Ayaa  Madaxweynaha Ka Dalbaday Inuu Xilka Iskaga Dego , Maadaama Uu Guul Daraystay Ayay Yidhaaheen.

Dadkan Dhintay  Waxa Dilay  Ciidamada Ammanka  Oo Xabbad Ku Furay Sida  Ay Sheegeen Dad Goob Joogayaal Ah.

Mr. Kabila Oo Dalka Xukumaya 15 Sano Ayaa  Lafilayaa In Muddo Xileed Kiisu Ku Idil Yahay  Isaniinta Soo Socota, Laakiinse  Waxa Sidoo Kale Lasheegayaa  In  Loo Kirdhiyay Illaa 2018 Ka .

Mucaradka Mr. Kabila Ayaa Shegaya  In Diidmada  Inuu Xilka Wareejiyo Ay Tahay  Nooc Afganbi.

 

COMMENTS