Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiir Ku Xigeenka Dalka Joordan
December 21, 2016 - Written by

Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka ah Ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada Soomalaiya ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Jordan, oo soo gaadhsiiyay dhambaal uu ka siday boqorka dalkaas oo lagu magacaabo Cabdalla A-thani Abnu Hussen.

Boqorka ayaa dhambaalka uu u soo dirray madaxweyna Xassan Sheekh u soo wakiishay ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka wasaarrada maalgashiga dalka Jordan oo Muqdisho oo gaadhay.
1

Madaxweynaha Dawlada Fadaraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa dhambaalkaasi uu ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani, isaga oo intaa kaddib warbixin ka siiyay sidda boqortooyada Jordan ugu hellan tahay xiriirka iyo
iskaashiga Soomaaliya iyo Jordan, isaga oo dhinaca kalana amaanay doorashooyinka


ka socdalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad celiyey boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxaa uu sheegay in labada dal ay yihiin labo dowladood oo walaalnimo taariikhi ah ay ka dhaxeysoo,
sidoo kale waxa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale.

 

COMMENTS