Doon U Rarnayd Ganacsato Soomaali Ah Oo Ku Degtay Bada Magaalada Boosaaso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 21, 2016 - Written by

Doon u rarnayd ganacsato soomaali ah ayaa ku degtay xeebaha magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.

Sida uu Hadhwanaagnews u xaqiijiyey ganacsade Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Shidaar) oo ka mid ah ganacstada ay dooontaasi u rarnayd kaas oo sheegay in doontu degtay iyada oo dekeda magaalada Boosaaso u jirta wax ka yar 15km.

Doontan ayaa siday kuntan oo raashin ah kaas oo iskugu jiray Daqiiq Iyo Bariis isla markaana ay saarnaayeen 12 qof oo ka soo kala jeeday dalalka somaliland Iyo Hindiya.

Laba qof oo u dhashay dalka somaliland ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Aadan Cali(Guray) Iyo Siyaad Daahir(Curaagte).

Ciidamada bada maamul goboleedka Puntland oo hawl gal badbaadin ah ka galay bada

magaalada Boosaaso ayaa ku soo badbaadiyey lix qof oo hindi ah iyo mid somaliland ah, waxaana ilaa hada la baadi goobayaa afar qof oo hindi ah iyo mid soomaliland ah.

Doontan oo lagu magaacabi jiray Qaabili ayaa ku dhacday bada magaalada Boosaaso ka dib markii ay habeenimadii roobab xoogani ka daโ€™een bada.

 

COMMENTS