Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday Kana Digtay In Doorashooyinka Somaliya Ay Ku Dhacaan Hab Musuq Maasuq Ah
December 22, 2016 - Written by
War qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen dhinacyada Beesha Caalamka ayey ugu jeediyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku fadhida daah furnaan, La-xisaabtan iyo sharci.
Qeybaha soo wada saarey warsaxaafadeedkan beesha Caalamka ayaa waxaa ka mid ah Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italia, Sweden, UK iyo Mareykankanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta

wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah oo dhacdey intii lagu guda jirey hanaanka doorashada, sida iyadoo la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in looย 

hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.
Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hore la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.
Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay masโ€™uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiida ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.
Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Qaliifaadka in Aragtida, iyo qotada kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa Saldhig u noqda goโ€™aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.

 

COMMENTS