Xalab oo si buuxda gacanta ugu gashay dowladda Suuriya
December 23, 2016 - Written by

Ciidamada dalka Suuriya waxay shaaciyeen guul inay ka gaareen magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Daad gureyntii ka socotay halkaas ayaa dhammaatay, dhammaan shacabka iyo mucaaradka ayaa laga saaray deegaanadii go’doonsanaa.

Ruushka oo diidan qorshaha nabadda ee Xalab

Duqeyntii ugu xumeyd oo ka dhacday Xalab

Falanqeyn: Dagaalkii Xalab maxaa xigi doono?

Arrintaas ayaa ah in ciidamada dowladda ay si buuxda u qabsadeen Xalab, waxaana la arkayay ayagoo dabaaldegaya.

Daawo: Xalab, dagaalka ka hor iyo ka dib

Waa guushii ugu weyneyd ee madaxweynaha Suuriya Bishar Al-Asad uu gaaray muddadii dagalka uu dalkaasi ka socday.

Mid ka mid ah ciidamada galay deegaanadii go’doonsanaa ayaa sheegay inay sii soconayaan illaa Suuriya oo dhan ay ka qabsanayaan.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS