Dowladda Nigeria ayaa beenisay wararka sheegaya in ‘bariis caag ka sameysan’ lagu iibiyo dalkaasi. Laanta qaabilsan canshuuraadka badeecooyinka ayaa horay u sheegtay inay gacanta ku dhigtay 2.5 tan oo bariis caag ah oo la tuhunsanyahay in laga keenay Shiinaha. Wasiirka caafimaadka Nigeria, Isaac Adewole, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in baaritaanno lagu sameeyey ka dib lagu ogaaday in bariiskaasi uu yahay mid caadi ah oo uusan caag ahayn. “Bariis caag ka sameysan” oo lagu qabtay Nigeria Madxa canshuuraadka Lagos ayaa Arbacadii sheegay in bariiskaasi beenabuurka ah la doonyay in la iibiyo xilliyada lagu guda jira dabbaaldegyada. Bariis sidan oo kale ah oo caag ka sameysan ayaa sanadkii hore lagu qabtay dalka Shiinaha. Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika.
December 23, 2016 - Written by

Waxaa hadda cadaatay in Donald Trump uu farageliyay qaraar ay UN kasoo saari lahayd deegaameynta Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Ujeedada qaraarka ayaa ah in la cambaareeyo sida Israa’iil ay usii wado guryaha ay ka dhiseyso dhulka ay ka haysato Falastiin.

Balse hadda waxaa iska muuqata in Donald Trump uu farageliyay si dib loogu dhigo codeynta oo Khamiistii shalay dhici lahayd.

Masar oo markii hore codsatay qaraarka ayaa haddana dalbatay in dib loogu dhigo.

Saraakiisha dalka Masar waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdifitax Al-sisi iyo Trump ay arrinta uga wada hadleen telefoon.

Trump oo danjire ka dhigay nin taageersan haysashada dhulka Falastiiniyiinta

Shimon Peres oo tacsiyo loogu sameynayo Qudus

Waxaa la sheegayaa inay isku raaceen in maamulka soo galaya ee US la siiyo fursad uu kula tacaalo xaaladda Falastiin.

Sarkaal sare oo ka mid ah Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in qaraarka uu lahaa awood xoog badan, uuna isu bedeli karay mooshin ka dhan ah Israa’iil.

Marka, maamulka Irsaa’iil oo la xiriiray Trump ayaa waxay ka codsadeen inuu farageliyo arrinta, sida xubno ka tirsan Israa’iil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Qorshaha Masar ayaa ahaa in Israa’iil lagu cadaadiyo joojinta dhismayaasha cusub oo ay ku tilmaamtay inay xeerka caalamiga ah ka soo horjeedo.

Waxaa jiray hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in maamulka Obama uu doonayay in xilliga ugu dambeysa ee Xafiiska uu u codeeyo qaraarka Masar si golaha amniga uu awood ugu yeesho inuu Israa’iil cambaareeyo.

Image copyright Getty Images
Image caption Saraakiisha Israa’iil iyo madaxweyne Al-sisi ayaa la hadlay Trump, sida muuqato.

Sarkaal ka tirsan maamulka Israa’iil ayaa u sheegay Reuters, in arrintan ay digniin u tahay maamulka Obama, ayna si toos ah ula xiriirayaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump.

Mr Trump ayaa xilka madaxweynaha Mareykanka la wareegi doono 20 ka bisha January ee 2017-ka.

Balse, afar dal oo ka mid ah golaha amniga ayaa sheegay in haddii Masar ay gudbin wayso qaraarka, ay ayaga la imaan doonaan mid kale.

Maxkamadda ICC oo booqaneysa Israa’iil iyo Falastiin

New Zealand, Venezuela, Malaysia, iyo Senegal waxay sheegeen inay xaq u leeyihiin inay sii wadaan qaraarka, loona codeeyo.

Afartan dal midkoodna maaha wadan xubin joogta ah ku leh golaha amniga, waxayna kursiga haynayaan laba sano oo keli ah

Sources;Bbcsomali

COMMENTS