Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee Gumburaha.
August 27, 2016 - Written by
Hoggaanka Xisbibga KULMIYE oo ka Qaybgalay Wanqasha Degmada cusub ee Gumburaha.
Hargeysa(GLN)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Gumburaha ee gobolka Hawd oo ka mid ah degmooyin cuusb oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Wefti KULMIYE ka tirsan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigaas Md. Maxamed Kaahin Axmed, is markaana ay xubno ka ahaayeen Xoghayaha Guud Md. Xasan Siciid Yuusuf, hoggaanka garabyada haweenka ee heer qaran iyo heer gobol iyo weliba saraakiil kale oo xisbiga ka mid ah, ayaa ka qaybgalay xafladda Wanshaha Gumburaha oo ka dhacday goob si qurux badan looga asteeyey degmadaasi maanta, iyadoo masuuliyiinta xisbiga iyo wasiirro badan oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo ka qaybgalay wanshaqa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey madasha, kuwaas oo khubado ay halkaas ka jeediyeen oo soo jiitay dadweynaha deegaanka kaga warramay taariikh iyo weliba muhiimada ay degmada cusubi leedahay.
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal ka jeediyey xafladda, ayaa dardaaran dhaxalgal ah ujeediyey shacabka ku dhaqan degmada cusub ee Gumburaha, waxaannu ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan dhismaha iyo weliba horumarinta degmada, “Degmooyinka ujeeddo gaar ah baa loo saameeyaa, sababta ay dadkii u soo halgamay hawsheeda u wadeen waxay ahayd inay kor-u-qaado mujtaca halkan deggen dhinacyada waxbarashada, biyaha iyo caafimaadkaba. Haatan waxa la idinka rabaa in degmada la wada dhisto oo la derdergeliyo, maadaama dhawaan la xisaabtami doono marka kala xadaynta degmooyinka iyo gobollada la sameeyo,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda degmada Gumburaha leedahay, isagoo si gaar ahna uga sheekeeyey taariikho hore ay degmada goob-joog uga ahaa xilliyadii halgankii hubaysnaa ee SNM lagu jirey oo ay ka mid ahayd talisyadii ciidamadu fadhiyi jireen, waxaannu yidhi, “Anigu waxaan ahay ninka ugu xiga degmada cusub ee Gumburaha, geedkan innagu dheggenina waa taliskaygii guud ee ciidamada SNM, waxaan hubaa inay tahay magaalo istaahisha in degmo laga dhigo oo weliba aan is-leeyahay waa lagala soo daahay, haddiise degmo laga dhigay waxaan aaminsanahay inay noqonayso degmo dhismaysa oo horumaraysa, waayo waxaan garanayaa oo ku qiimaynayaa ficilka dadka halkan deggen oo aannu xilliyo adag halkan la deggenayn.”
Md. Maxamed Kaahin waxa kaloo uu si gaar ah uga hadlay shacabka ku dhaqan degmada Gumburaha oo uu ku tilmaamay qaar xilkas ah, waxaanu sheegay inay farxad gaar ah u tahay inuu wanqasha degmadii xilligii halganka fadhiisinka u ahayd maanta goob joog u ahaado,“Magaaladani waxay leedahay odayaal iyo waayeel xilkas ah oo hoggaamin leh, waxay leedahay shicib aad iyo aad u wanaagsan, waana dad aad iyo aad u deeqsiyaal ah, waxaana sharaf weyn ii ah in anigoo jabhad halkan ku joogay inaan maantana goob-joog ahaado in Gumburaha loo magacaabay degmo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin, waxa uu halkaas kaga dhawaaqay deeq lacageed oo Toban kun oo dollar ah oo uu xisbiga KULMIYE Kaga qaybqaadanayo horumarka degmada cusub ee Gumburuha, “Waxaannu qorshaynay inaannu maanta Guddoomiyaha guddida Beesha halkan degen ku wareejinno lacag dhan Toban Kun oo Dollar ($10,000), wixii kale ee baahiyaheeda ah waanu la socon doonaa,” ayuu yidhi Md. Maxamed Kaahin, waxaanna markii uu hadalkaasi ku dhawaaqa is qabsaday sacab iyo mashxarad ay isla oogsadeen shacabkii madasha joogay, iyadoo shacabka deegaanku garwaaqsadeen sida hagar la’aanta ah ee xisbal-xaakimku u garab taagan yahay deegaankaasi, isla markaana ay iyaguna u taageersan yihiin.

COMMENTS
|
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|