Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaaya In Xisbiga Kulmiye Xilala u Magcaabay Masuuliyuin Ka Tirsan Ciidanka Booliska
December 28, 2016 - Written by

Ma Jiraan Masuuliyiin Ka Mida Ciidanka Booliska Oo Uu Magacaabay Xisbiga Kulmiye”… Af Hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa(GLN) Af Hayeenka Ciidabka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa beeniyay Warar Warbaahinta Qarkood Qoreen Oo Sheegaya in masuuliyiin ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Xilala Looga Magacaabay Mid Ka Mida Asxaabta Qaranka  Somaliland Gaar ahaan Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye .

Gaashaanle Sare Faysal Xiis Waxa uu sheegay in warkaasi aanuu Sal iyo raad toona aanu lahayn isla markaana aanay haboonayn in lagu deg-dega arimaha Ciidanka Booliska.

Af Hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Oo Aanu Arintaasi wax ka Waydiinay waxa Uu Yidhi “Ma Jiraan Masuuliyiin Ka Mida Ciidanka Booliska Oo Uu Magacaabay Xisbiga Kulmiye”.

Faysal Xiis Oo Hadlakiisa Sii Wata Waxa Uu Yidhi “ Warkaa aanu ku arkaynay Warbaahinta Qarkood wax ka jiraa ma jiraan waana war aan sal iyo raad toona lahayn anagu waxaanu nahay booliska maana aha in aanu galo siyaasad waxa aanu ka madax banaanahay arimaha siyaasada, sido kale waxa aanu dhex u nahay bulshada iyo siyaasiyiintaba, waxaan mar labaad ku celinayaa arinkaasi in aanay Wax ka jirn “ ayuu yidhi Af hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis

COMMENTS