Dawladda Britain Oo Markii Ugu Horeysay Tanzania ka caawinaysa diyaarado aan duuliye lahayn oo dawooyinka qaada.
December 29, 2016 - Written by

Dawladda Britain ayaa maalgalin doonta qorshe tijaabo ah oo dalka Tanzania laga billaabayo taas oo diyaaaradaha aan duuliyuhu la socon bukaanada lagu gaarsiin doono dawooyin iyo dhiig.

Hadafka laga leeyahay arrintan ayaa ah in lagu yareeyo wakhtiga ku baxaya dawooyinka loo diro xarumaha caafimaadka ee dalka Tanzania oo dhulka la sii mariyo ama siyaabo kale lagu gaarsiiyo.

Tijaabadan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Zips ayaa bishii tobnaad ee 2016-ka laga tijaabiyay dalka Rwanda.

‘Carruurta Tanzania oo ugu caafimaad badan adduunka oo dhan’

Dadka Afrikaanka ah oo 46% ay dhiigkar qabaan

Image copyright Getty Images
Image caption Diyaaradda Zip waxay qaadi kartaa alaab culayskeedu dhanyahay 1.5kg

Khuburada ayaa arrintan amaanay laakiin waxay su’aal ka keeneen in diyaaradaha aan duuliyuhu la socon ee xamuulka ah in ay gabaabsi yihiin.

Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Britain oo magaceeda loo soo gaabiyo Dfid ma aysan sheegin inta uu la egyahay dhaqaalaha ay rabto in ay ku maalgaliso Tanzania iyo wakhtiga ay wadi doonto dadaalkaas.

Waxaa kale oo waaxdaasi ay ku dhawaaqday in ay dalka Nepal ka billaabayso diyaarado aan duuliye lahayn oo khariirado u sameeya goobaha laga yaabo in ay dhibaato ka soo gaarto cimilada oo xumaata, si loogu diyaargaroobo haddii meelahaas ay masiibo ka dhacaan mustaqbalka.

Sources;Bbcsomali

COMMENTS