Marka hore aan ku bilaabo salaanta islaamka ”Asalamu calaykum wa raxmatulahi wa barakatu” bacda salaan waxaan doonaya inaan isgarab dhig ku sameeyo dada ay dhalinyarada somaliland kaga qaybqaadan karan siyaasada dalka iyo golayaasha qaranka iyo dada dhalinyada Sweden ay kaga qaybqatan golayaasha qaran iyo xukuumadaha dalkan ka soo taliyay hadana ka taliya.Hadaan ku horeeyo ta dalkan aan ku noolahay ee Sweden qofka dhaliinyarta ah ee doonaya inuu ka mid noqdo golayaasha dalka looga taliyo iyo xukuumada inu ka mid noqda waxa shuruud ah oo ku xidhan:
1. Inuu yahay 18jir
2. Inuu haysto dhalashada wadanka ama Citizenship.
Labadaas shuruudood aya bundhig u ah inay dhalinyada
dalkan Sweden ka mid noqdaan golaha barlamanka, Golaha wasiirada iyo Xildhibanada dawladaha hoose matala.
Aan u soo noqono ta Somaliland kolay waxan filaya inanay jirin shuruudaha sidan oo kale ah ee ay tahay inuu qofku ahaado da´ ka wayn 35 jir ama gaadhsiisan 40 jir, markaas ka dib uu qofku somalilander ka ah la leeyahay hada ayu ka mid noqon kara golayaasha iyo xubnaha xukuumadaba waayo waxa aan sidaas u leeyahay waxa maalin dhawayd ka qabsoomay magaalada hargaysa shirkii heer qaran ee dhalinyarada Somaliland laakiin aan dhihi karo ma ahayn shir dhalinyaro ee wuxuu ahaa shirkii odayaasha Somaliland.
Waayo da´da dhalinyarada marka la sheegayo waa wixi ka bilaabma 15 jir ilaa 29 wixii intas ka wayn maha da dhalinyarnimo.
Waxaanan sidaas u leeyahay waxaan ka mid ahayn ama aan xubin ka ahayn Xisbiga talada dalka Sweden hada haya ee la dhaho Social democracy.
Dhalinyada xisbigu waxaan ka koobanahay da´da u dhaxaysa 15 jir ilaa 29, waana da´daas dada la odhan karo waa dhalinyaro laakiin shirkii xisbiga kulmiye ee la dhahay waa kii dhaliinyaradu ma ahayn mid dhalinyaro ee wuxuu ahaa shirkii odayaasha, aniga oo aanay iga ahayn dhaleecayn iyo xumaan kale midnaba laakiin waxa kaliya ee ay iga tahay maxaa loo qorsheeyay dhalinyarada oo ah dadka ugu badan ee codeeya ahna dadka kaliya ee dalkan horumarin kara?
Intaas Ayaan ku soo koobaya qoraalkaygan waxanan idinla wadaagi doona fikrado badan insha allah waxanan rajaynaya inan jawaabo u helo suaalaha aan qoralkaygan ku soo bandhigay.
Cidkasta oo fikirado ku saabsan isoo siisana aan uga mahadcelin doono.
Hafeef: Midna wan ka hafeefanaya oo ma ihi qof ka mida am aka tirsan sadexda xisbi ee dalkena ka jira laakiin waxaan ahay muwadin jecel inuu dalkiisu la mid noqdo dadka kale maxaa yeelay quruxda iyo horumarka dalkasta waxaa hormuud ka ah dhalinyarada oo ah kuwo leh aragti durugsan oo cusub.