Maanso Ku Meel-gaadh ah CHEIF CAAQIL AXMED CIISE CUMAR.
December 29, 2016 - Written by C M

Waxaan maalmihii tagay Maanso gaaban oo fudud Murti iyo u jeedo leh Kaftankuna.

Maalin waliba Waageed

Waqti waliba meeshii

Madal waliba hadalkeed

Masuul wali aqoontii

Maskax waliba fikirkeed

Maantiyo u jeedkay

 

Waxaan maalmihii tagay

Maanso gaaban oo fudud

Murti iyo u jeedo leh

Kaftankuna. Ku milan yahay

Ku macneeyay ku xigeen

Maamulkiisu Wuxu yahay

 

Maantana waxaan idhi

Xil kaloo. Mihiimoo

Dhaguu aanay maqaloo

Dadwaynuu macneeyoo

Muran miidhan dhaliyoo

Qofba meel ku sheegoo

Mid waliba jawaaboo

 

Madaxwayne suge iyo

Masuul shaashle lagu sheeg

 

Marna darajo madhaniyo

Madalooti lagu sheeg

Marna qaar ujeedoli

Meeshaba ka saaroo

Muqdishiyo dhulkaa baas

Meeshaa habaarane

Gaaladu u marisee

Madawgu uu u taliyee

Mooryaatu boobtiyo

Magac bixintii xamaroo

La inoo maldahayiyo

Macno gaara lagu sheeg

 

Marna qaar murmaayaa

Masuul. Geeriyoodoo

Ma huraanta aakhiro

Meeshii aan la dhaafay

Lagu moosay. Iilkiyo

Mawd sugena lagu sheeg

 

Marna siyaasi culusoo

Maskax iyo aqoonloo

u fikiray muraadkiisa

Magac uu sameeyoo

Ma kas lagu dabaayoo

Maxastiyo caruuraa.

Codka maalintay tahay

Madax loogu sheegiyo

Magac u yaalna lagu sheeg

 

Waxba yaan malaynine

Ninba meeshuu.jecel yuu

Doodiisa mariyee

 

midhbaa iga. Dardaarana

Meel inaan u jeediyo

Mala xumaha. Doqonka ah

Yuu cid moodin gaaree

Kaftankaa. Maluugta leh

 

Ana maan codaynine

Miidhii abwaanada

Aqooyahanka muddaniyo

Murti maal dadwaynaa

Bal inay macneeyaan.

Xilkan lagu mashquuliyo

KU MEEL GAADHKU WUXU YAHAY?

by caaqil axmed ciise cumar

 Caaqil Axmad Ciise: caaqilaxmad@gmail.com

COMMENTS