Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Curashada Sannadka Cusub Ee 2017.
January 1, 2017 - Written by

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, laamaha dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba, waxa uu guud ahaan shacabka Somaliland uu ugu hambalyeynayaa curashada sanadka cusub ee 2017 oo kowsaday maanta(Axad) oo taariikhdu tahay 01.01.2017.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu si gaara hambalyada sannadka cusub ugu sii dirayaa dhammaan ba ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland iyo xaasaskooda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan ba taageerayaasha baaxadda weyn ee Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad

ba, isaga oo dhammaantood ugu hambalyeynaaya meel kasta oo ay kaga jiraan hawlaha qaranka Somaliland, waxaana uu u rajeeyey in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan horumar, caafimaad qab iyo weli ba in Somaliland ay sannadkaa bilowga ah la kowsato horumar dhinac walba ah sida oo kale na ay Ictiraaf buuxa ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyntii uu curashada sannadka cusub Alle ka baryeyaa in caafimaad sareecan ah siiyo intii xanuunsanaysa oo ay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhaan caafimaad qabta isaga oo sida oo kale Eebe u weydiiyey in uu naxariistiisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo intii iyagu na geeriyootay sannadkii aynu soo dhaafnay 2016. Amiim amiin

 

Xafiiska Warbaahinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

 

COMMENTS