Mucaaradka Suuriya oo ku hanjabay inay heshiiska ka baxayaan
January 3, 2017 - Written by

Dhowr kooxood oo ka mid ah mucaaradka Suuriya ayaa ku dhawaaqay inay ka baxayaan heshiiska ay garwadeenka ka yihiin Ruushka iyo Turkiga.

Waxay sheegeen inaysan ka qeybgali doonin kullanka bishan ka dhicidoono Khazakhistan.

Ururadan ayaa dowladda ku eedeynaaya inay jebisay heshiiska xabad joojinta ee afarta maalin socoto.

Mareykanka iyo Ruushka oo ku murmay xabbad joojinta Suuriya

Mucaaradka ku goโ€™doonsan Xalab oo xabad joojin dalbaday

Ruushka oo “aqbalay” 48 saac oo xabad joojin ah

Warka ka soo baxay mucaaradka ayey ku sheegeen in dhankooda ay u hogaansan yihiin xabad joojinta.

Balse, ciidamada dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka Iiraan ee taageeraaya ayaa xad gudubyo badan sameeyay, sida ay kooxahan ku andacoodeen.

Image copyright Reuters
Image caption Dagaalyahannada Mucaaradka ee ku sugan al-Raci, Waqooyiga gobolka Xalab

Meelaha xabad joojinta lagu xadgudbay waxaa ka mid ah, Qowsa, iyo Wadi Barada oo ku dhow Dimishiq.

Waxay sheegeen in xabad joojinta ay jabeyso, haddii dowladda ay isku deydo inay dhul ballaarsi sameyso.

UN oo amaantay xabbad joojinta Suuriya

Golaha amaanka oo ansixiyay heshiiska Suuriya

Magaalada Wadi Barada, oo mucaaradka ay haystaan, waa barta biyaha ay ka hesho caasimadda Dimishiq.

Waxay dowladda ku eedeyneysaa in mucaaradka biyaha ay naafto ku dareen.

Sources;Bbsomali

COMMENTS