Xukumada Turkiga Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtay In Askari ka Tirsan Ciidankeeda Lagu Dilay Dagaal ka Dhacay Gudaha Dalka Suuriya.
August 28, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_xukumada Turkiga ayaa markii ugu Horeysay xaqiijisay

in askari ka tirsan ciidankeeda  lagu dilay waqooyiga Suuriya, kadib dagaal ay la galeen dagaalyahanada Kurdiyiinta ah.

ciidamada Milateriga dalka  Turkiga ayaa todobaadkii hore gudaha u galay Suuriya, iyagoo taageero siinaya mucaaradka ayaa  la wareegay magaalada Jarablus oo u dhow xuduuda wadankaasi.

Askariga Turkiga eelagu dilay waqooyiga Suuriya ayaa noqonaya askarigii ugu horeeyay ee lagu dilo duulaanka Turkiga ku qaaday gudaha dalka  Suuriya.

Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Jarablus, waxaana Milateriga Turkiga uu taageero siinayay dagaalyahanada Mucaaradka waddanka suuriya oo xukumada  madaxwayne Asad dagaal kula jira.

Turkiga ayaa ku hanjabay inuu ka sifeynayo magaalooyinka u dhow xuduuda kooxaha Kurdiyiinta iyo Kooxda IS.

Sikastaba ha ahaate Askarigan Turikaga ayaa noqonayaa kii ugu horeysay ee lagu dilo wadanka suuriya  tan iyo bilawgii markii xukumada  dalka Turkigu ay faraha la gashay Arrimaha dalka Suuriya.

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS