Nuruxka Heshiis Dhex Maray Xisbiga WADDANI Iyo Garabka Ku Soo Biiray Ee Hore Uga Tirsanaa UCID
January 5, 2017 - Written by C M
Hargeysa (GLN)- Hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo garabkii hore uga go’ay xisbiga UCID oo manta si rasmi ah uga biixay xisbiga WADDANI, ayaa labada dhinac waxa dhex maray heshiis ka kooban 16 qodob oo ay mid ka mid tahay in garabka ku soo biiray loo qoondeeyey 10 xubnood oo guddida fulinta ah.
Heshiiskan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war-qabadka ee Gacanlibaaxnews ayaa u dhignaa sidan: “Ka dib markii Garabka aqlabiyadda ee Xisbigii Ucid uu wada-hadal la furay Xisbiga WADDANI; labada guddi ee labada dhinacna isla soo meel dhigeen qodobadii saldhigga u ahaa wada hadalada; Ka dib markii labada dhinac aqbaleen, islana qaateen qodobadii iyo nuxurkii heshiiska ay u soo diyaariyeen gudidii farsamo ee labada dhinac magcaabeen.
Iyaga oo labada dhinac saldhig uga dhigaya heshiiskoodan dastuurka JSL iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer No.14 2011; waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017 heshiiskii ay ku midoobeen kala saxeexday Xisbiga WADDANI oo dhinac ah iyo Garabka aqlabiyadda Xisbigii Ucid oo dhinac ah. Heshiiskaas oo ka kooban 16 qodob una dhigan sidan:
Waxa labada dhinac isla qaateen in ay ku midoobeen siyaasadda isbedel doonka oo uu garabka Ucid ku biiro Xisbiga Qaran ee WADDANI.
Waxa Xisbiga WADDANI ogolaaday Wixii mabaadi iyo fikir siyaasadeed ah ee Garabka Ucid soo bandhigo, ee ka maqan barnaamijka Xisbiga WADDANI in lagu kaabi doono barnaamijka uu Xisbigu ku hawl geli doono doorashada, hirgelina doono insha-Alla. Maadaama uu heshiiskan ka mid yahay waxa halkan ku lifaaqan nuqul ka mid ah qoraalka mabaadi’da kor ku xusan.
Waxa uu Xisbiga WADDANI u ballan qaadayaa garabka Ucid in uu furayo Ururadii siyaasadda doorashada ugu soo horaysa ee Golayaasha Deegaanka iyada oo loo maraayo qaab sharciga waafaqsan.
Waxa garabka Ucid ku yeelanayaa Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI 2 xubnood (one & one)
Waxa kale oo garabka ucid loo qoondeeyey 10 xubnood oo gudida fulinta ah, ( magcaabista xoghayayaasha waxa loo raaci doonaa nidaamka xisbiga)
Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada mideyntooda waxa loo raacayaa nidaamka Xisbiga iyada oo xubno laga siin doono xilalka iyo gudiyadooda heer qaran & heer gobolba.
Mideynta gudiyada heer gobol iyo garabyada heer gobol waxa loo xil saari doonaa guddi isku dhafan, iyada oo xilalka gudiyada iyo garabyada ee gobol kastana xubno laga siin doono garabka Ucid.
Mideynta gudiyada laamaha Dibedda, waxa loo xil saari doonaa guddi isku dhafan oo ka soo kala jeeda xubnaha laamaha ee labada dhinac; iyada oo xilalkana xubno laga siin doono garabka Ucid.
Wixii Xafiisyo iyo guryo u furan garabka ucid waxa kharashkooda la wareegaya Xisbiga Waddani isla marka saxeexa heshiisku dhaco.
Gobolada iyo laamaha dibedda waxa ay u qabsan doonaan munaasabadaha midawgooda si gaar gaar ah, iyada oo la raacayo qaabka qodobada 8aad & 9aad ee heshiiskani tilmaameen; Xisbiga ayaana wixii fududayn ah xilqaaday
Waxa labada dhinac isla qaateen in uu garabku xubno ku yeelan doono gudiyada campaignka doorashada Xisbiga WADDANI ee heer qaran iyo heer gobol; khaas ahaan kuwa miisaanka taageerayaashiisu ka soo jeedaan
Si sharciyadda heshiiska looga baahan yahay loo dhamaystiro, waxa ansixinaaya gudiuda fulinta ee Xisbiga WADDANI isla marka la saxeexoba. Ka dibna waxa la horgeyn doonaa kalfadhiga ugu horeeya ee Golaha Dhexe si loo ansixiyo.