Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho oo saaka Sameeyey Banaan Bax iyo shaqo joojin.
August 29, 2016 - Written by

Muqdisho(GLN)wararka Saaka ka imanayaa casimada somaliya ee muqdisho ayaa sheegaya in

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha  magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax  ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Turkiga ah  ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha magalada muqdisho.

Shaqaalahan ayaa ka cabanaya in muddo aanay qaadan wax mushaar ah, iyadoo mudnaanta koowaad la siiyo dadka ajnabiga ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha

Qaar ka mid ah shaqaalaha dibad baxa sameeyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lagu xadgudbo xuquuqdooda, isla markaana saacado badan shaqeeyaan sida ay Hadalka u dhigeen.

“Waxaa ka cabaneynaa in mushaar aanan qaadan waqti dheer, mar walba mudnaanta waxaa la siiyaa dadka Ajnabiga ah, xuquuqda uu shaqaale leeyahay ma helno, waxaa shaqeynaa saacado dheer, fasax ma jiro, waxaa inoo sii dheer in qofkii soo daaha inuu ganaax la kulmayo, dhibaatooyinkan muddo ayay soo jiitamayeen”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalihii saaka ku hor banaan baxay garoonka diyaaradaha magalada  Muqdisho.

Sidoo kale shaqaalaha ayaa ka cawday inuu qofka heysta shahaado jaamacadeed iyo mid Dugsi sare ay yihiin kuwo isla siman oo mushaarka ay qaataan ay isku mid yihiin, waxaana ay tilmaameen in arrintan ay aheyd mid soo jiitameysay mudo dheer.

“Qofka heysta shahaado Jaamacadeed waxaa la siiyaa 3 boqol oo doolar, markii hore xuquuqda qofka sharciga u yaal ee shahaado jaamacadeed ka baxay waxaa mushaarkiisa ahaa 7 boqol, qofka dugsiga sare ka baxay waa 4 boqol, qof walba wixii la doona la siinayaa, xuquuqdeena cid ka hadleysa ma jirto”ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii dibad baxayay  dhigay Saaka.

Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ka shaqeeya Shaqaale isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.

banaan bax banaan bax2 banaan bax3

COMMENTS