Maxkamadda sare ee Gambia oo la filayo inay dhageysato muranka Doorashadii Bil ka hor ka dhacday Dalka Gaambiya.
January 10, 2017 - Written by
Maxkamadda sare ee dalka Gambia ayaa la filayaa inay dhageysato dacwadda madaxweyne Yaxya Jammeh uu gudbiyay , Dacwadaas oo ka dhanka ah natiijada doorashadii bishii hore.
Doorashadaasi waxaa ku guuleystay hogaamiyaha mucaaradka Adama Barrow. Balse, Mr Jammeh wuxuu doonayaa in garsoorayaasha ay xukumaan in Adama Barrow uusan ku guuleysan doorashada Isla markaasna ay jireen wax isdabamarin.
Qaar ka mid ah garsoorayaasha ajaaniibta ah ayaanan weli u safrin magaalada Banjul ee Gambia.
Waxaa ka mid ah garsooraha u dhashay Sierra Leone, Nicolas Browne-Marke. Balse kuwa dalka u dhashay ayaa la filayaa inay kiiska dhageystaan.
Sidoo kale, waxaa lagu warramayaa in wasiirka warfaafinta Gambia uu dalka ka safray. Iyada Oo la shaaciyay inuu xilka iska casilay.
Maalin weyn oo hubanti la’aan ay jirto ayaa ku soo food leh dalka Gambia. Waxaa laga cabsi qabaa in ay rabshado ka dhacaan dalkaas.
Madaxweynaha Yaxya Jammeh ayaa markii hore ogolaaday in doorashada looga guuleystay. Balse dib ayuu ka diiday, wuxuuna ku doodayaa in isdabamarin la sameeyay.
Urur goboleedka ECOWAS ayaa isku deyaya in xal siyaasadeed laga gaaro muranka, si looga fogaado in uu dalka qalalaase ku yimaado.
Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Buhari, oo loo magacaabay dhexdhexaadiyaha ayaa la filayaa in arbacada uu gaaro Banjul.
Safarkaasi waxaa ku wehlin doona madaxweynayaal ay ka mid yihiin Ellen Johnson Sirleaf oo Liberia ka socota, iyo madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama.
Waxay noqon kartaa tallaabadii ugu dambeysay ee lagu qancinayo Jammeh in uu awoodda si nabad ah u wareejiyo, lana dhaariyo Adam Barrow.
Dhaarinta ayaa la filayaa inay dhacdo 19-ka bishan Janaayo, waa haddii madaxweynaha hadda talada haya uu ogolaado.