Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Si Wayn U Difaacay Howlgalka ay Ciidamadiisu ka Wadaan Dalka Suuriya.
August 29, 2016 - Written by

Hargeysa(GLN)_Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa  Markii Ugu Horeysay Si Wayn u difaacay howlgalka ay ciidankiisa ka wadaan gudaha Dalka  Suuriya.

Madaxwayne Erdogan Waxa uu sheegay in duulaankaasi uu dadka rayidka ah u sahli karo in ay ku laabtaan deegaannada laga saaray ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Erdoğan ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Gaziantep, oo todobaadkii hore qof isqarxiyay uu ku dilay in badan 50 qof oo xaflad aroos ka qeybgalayay.

Madaxweyne Erdogan  ayaa sheegay in Turkiga uu sii wadayo waxa uu ugu yeedhay dagaalka ka dhanka ah ururada argagixisada ilaa iyo inta uu ka guuleysanayo.

Goor sii horreysayna, milateriga Turkiga ayaa sheegay in uu dilay 25 ka mid ah dagaalyahaniinta Kurdiyiinta ah ee ka dagaallamaya Suuriya.

Hasayeeshee kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeymo ay geysteen diyaaraha Turkiga ay 35 qof oo rayid ah ku dileen waqooyiga Suuriya.

Sikastaba ha ahaate mudooyinkii ugu danbeyay waxa isa soo taraayey iska Horimaad ku dhexeya xukumada Turkiga iyo Kooxda Kurdiyiinta ah ee Ka Dagaalanta xadka u dhexeya laba dal.

Sources;Bbcsomali

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS