War Deg Deg ah; Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ku guuleystey doorashada baarlamaanka Somaliya.
January 11, 2017 - Written by

War Deg deg ah; Maxamed Shiikh CIsmaan Jawaari ayaa ku guuleystey tartanka doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kadib markii uu helay codad gaaraya 140 cod.

Wareega hore oo aan weli si rasmi ah loo soo gabagabayn ayaa baarlamaanka gudihiisa waxaa ka dhex taagan buuq iyo muran waxaana haatan muuqanaya iyadoo guddiga uu awoodi la’ yahay in uu maamulo xildhibaanada.

Balse natiijo hordhac ah oo ay shabakada jowhar.com heshay ayaa waxaa uu Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari helay codad gaaraya 140 cod, C/shiid Xiddig ayaa isna helay 97 cod, Cabdifatax Geesey waxa uu helay 17 cod halka Idiris Dhakhtar uu helay 2 cod labo codna ay xumaatay.

Haddaba halkan ka akhriso Taariikh Nololeedka Maxamed Shiikh Cismaan  Oo Kooban:

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu  dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr  sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.

1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.

1990:  Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.

2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii  waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii.

COMMENTS