Daawo;Shirka Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE iyo qodobada lagaga wadahadlay.
August 29, 2016 - Written by
Nuxurka Qodobo Muhiim ah oo lagu Faaqiday Shirka Guddida Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE oo Qabsoomay
Hargeysa (GLN )- Guddida Fulinta ee Xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa yeeshay shirkiisa caadiga ahaa oo labadii toddobaadba hal mar qabsooma, waxaana lagu gorfeeyey qodobo dhawr ah oo xaaladda dalka iyo arrimaha xisbiga ku saabsan.
Shirkan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga maanta, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo ay ka qaybgaleen aqlabiyadda xubnaha Guddida Fulinta, ayaa saacado badan qaatay, waxaana lagu gorfeeyey arrimo door ah ay ugu muhiimsanaayeen dardargelinta hawlaha xisbiga, warbixinno la xidhiidha safarradii uu dhawaanahan xisbigu gobollada Bariga ugu maqnaa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waliba arrimo kale.
Markii uu kulankaasi dhammaaday waxa warbaahinta faahfaahin ka siiyey waxyaabihii ay Guddida Fulintu ka wadahadleen Afhayeenka xisbiga KULMKIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxaannu ugu horrayn sharraxay waxyaabaha kulankaas lagu gorfeeyey, “Shirka Guddida Fulinta ee saaka waxa lagu soo qaaday qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen weftigii uu Guddoomiyuhu hoggaaminayey ee dhawaan u ambabaxay gobollada Bariga, gaar ahaan gobolka Sool, iyagoo ka qaybgalayey dhiirrigelinta diiwaangelinta gobolka Sool ka bilaabantay, halkaas oo guddoomiyaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ay xubnaha kale ee Guddida Fulinta uga xog-warrameen,” ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi.
Afhayeen Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in sidoo kale kulankaas lagaga wadahadlay dhammaystirka qabyooyin kooban oo ku jira hay’adaha kala duwan ee xisbiga iyo waliba taageero loo muujiyey go’aamadii xukuumadda iyo Komishanka Qaranku ku gaadheen in diiwaangelin laga sameeyo lixda deegaan ee ku yaal xeebta galbeed ee muranka ka taagnaa dhaliyey in aan doorashooyinkii hore laga qaban, waxaanu yidhi, “Arrimaha kale ee Guddida Fulintu shirkooda kaga hadleen, ayaa ahayd dhismaha xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka oo la isla qaatay in si buuxda gobol iyo degmo kasta maalmaha soo socda loo dhammaystiro dhismahooda. Intaas waxa wehelinayey lix goobood oo Waqooyiga Hargeysa ah in dadkeeda la diiwaangeliyo oo aannu codka dadka deegaannadaasi lumin, deegamadaasi meesha ay raacayaanna waa waqtigeeda oo hadda meesha ay raacayaan laga hadlimaayo, laakiin xisbigu waxa uu taageersan yahay go’aankii xukuumaddu soo saartay ee sheegayey in dadka la diiwaangeliyo.”
Wxa kaloo uu xusay in shirka lagu bogaadiyey kaalinta ay shacabka Gobollada Sool, Buuhoodle iyo waliba Xaysimo ka qaateen diiwaangelinta haatan deegaanadaas ka socota, “Aad iyo aad ayaanu u hambalyeynaynaa dadweynaha, waayeelka iyo siyaasiyiinta gobolka Sool sida mugga leh ee ay diiwaangelinta ugu qaybqaateen, waana tallaabo qurux badan oo loo qaaday dhinaca horumarka, waxaanay taasi keentay in maanta 120 goobood oo gobolka Sool ay si buuxda diiwaangelintu uga socoto oo ay garab socoto 22 gooobood oo Gobolka Buuhoodle ka tirsanna ay si buuxda uga socoto, xisbiguna arrintaas wuu bogaadinayaa,” ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.
Shirka Guddida fulinta ee xisbul-xaakika KULMIYE, ayaa si joogto ah uga qabsoomayey xarunta xisbiga muddooyinkan dambe, inkastoo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi iyo hoggaanka sareba ku mashquulsan yihiin hawlo badan oo ay ugu wayntahay hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ee hadda ka socota gobolkii u dambeeyey dalka oo ah Sool.

COMMENTS
|
-
TALO DOORASHO – Qalinka: Muuse Jaambiir
Mar kale; Somaliland doorasho muddaysneyd ayaa waqtigeedii dib uga dhacaysa. Mar kale sii jirista g...
Monday, April 6, 2026
-
Macasalaamaynta Mooge iyo Dhacdooyinka Uu Ka Tegay !WQ: Rabiile Cabdillaahi Jaamac
Markii uu xilka Maayarnimo ee caasimadda Hargeysa qabtay Maayor Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu la...
Monday, March 30, 2026
-
Xakamaynta Dhibka Abaaraha iyo Daadka is-xiga! WQ: Foodcadde Cawil
Maareyn Joogto ah, ma aha Gurmadka Kumeel gaadhk ahiDalkeennu wuxuu muddo dheer ku jiray xaalad ...
Monday, March 30, 2026
-
𝐂𝐀𝐒𝐇𝐀𝐑 baa la inoo dhigay an ku 𝐂𝐈𝐁𝐑𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍𝐎. WQ: Maxamed Cali Bile
Wixii ku soo maray cashar ayaa laga bartaa si aanay mar labaad kuugu dhicin. 12 sanadood ka hor aya...
Tuesday, December 23, 2025
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
More Wararka
|