Gummaadkii Geedaha iyo Gurmadkii Ka Dambeeyay ! Qalinkii: Khaalid Foodhaadhi
January 12, 2017 - Written by C M
Debis, waa magaalo ka tirsan degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, waxaana ay ku dhawaad 90KM koonfur bari kaga beegantahay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.
Magaaladani waxa ku nool dad xoolo dhaqato iyo beeralay iskugu jira, waxaana juquraafi ahaan magaaladani ay tahay buuraley.
Deegaankan ayaa waxa ka hirgalay mashaariic dhanka horumarinta ah gaar ahaan ilaalinta deegaanka, kuwaasi oo dib loogu soo noolaynayo dhirtii dhimatay iyo kuwo cusub oo dib loo beerayo si loo ilaaliyo deegaanka, iyadoo halkaasi laga dhisay Dhaamam iyo Barkado lagu keydiyo biyaha si loogu waraabiyo dhirta halkaasi laga beeray isla markaana ay dadka deegaanku ka faa’idaystaan.
Mashruurcan oo ay hirgalisay wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa waxa maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SDF. Waxaana mashruucani uu noqday mid dadka deegaanku ay si wayn uga faa’idaystaan isla markaana ay ka helaan shaqo-abuur iyo deegaan wanaagsan oo cagaaran.
Cawil Cabdi Xayd oo ah madaxa mashruuca seeraha Debis ayaa sheegay in deegaanka mashruucani laga hirgaliyay uu ka kooban 23-KM oo isku weer ah, iyadoo hadda la doonayo in laga dhigo mid gebi ahaanba cagaaran isla markaana ka badqaba aafada xaalufinta deegaanka, sida garaacista dhirta iyo wixii la mid ah.
Dhirta haatan laga beeray deegaankan ayaa waxay ka koobanyihiin; Qudhac, Maraa, Galool, Qansax, Cadaad iyo Sogsog – sida uu markale sheegay Cawil Cabdi Xayd.
Deegaankan haatan laga hirgaliyay mashruucan dhiraynta ayaa waxa uu ahaan jiray deegaan dhirta lagu kobciyo kaddibna loo qaybiyo gobollada waqooyi ee dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, dadka deegaankan oo intooda badani ahaa kuwo dhirta garaaca isla markaana dhuxul ka sameeya si ay nolol maalmeedkooda ugala soo baxaan ayaa waxa haatan intooda badani ay joojiyeen garaacistii dhirta iyo xaalufitintii deegaanka, iyadoo markii mashruucan la bilaabay uu shaqo abuur badan ka dhashay isla markaana ay halkaasi shaqo badan ka heleen dadkii dhuxusha garaaci jiray.
“Anigu waxaan kamid ahaa dhuxulaysatadii ama dadka dhuxusha garaaca imikana waxaan ahay nin mashruucan ka shaqeeya oo wasaaradda deegaanka u shaqeeya” Sidaasi waxa yidhi Khadar Maxamed Cawaale oo mashruucani ka faa’idaystay isla markaana kamid ah shaqaalaha joogtada ah ee haatan mashruucaasi ka hawl-gala.
Ugu dambeyntii, dadka deegaanka ayaa waxa ay codsadeen in loo dhiso goobo waxbarasho iyo caafimaad maadaaama deegaanku aanu lahayn goobo waxbarasho iyo caafimaad. Waxayna codsigooda usoo jeediyeen hay’adda SDF iyo xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale, dadka deegaanku waxa ay codsadeen in loo kordhiyo tirada shaqaalaha mashruuca ka hawl-gala, maadaama haatan ay shaqaaluhu ku yaryihiin.
Qalinkii: Khaalid Foodhaadhi
khaalifoodhaadhi@gmail.com
COMMENTS
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. “Kuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
More Wararka