Baarlamanka Nigeria Oo U Codeeyay Inay Magan Galyo Siiyaan Madaxwaynaha Laga Guuleystay Ee Gambiya Haduu Aqbalo Guul Darradiisa.
January 13, 2017 - Written by

Baarlamaanka Dalka Nigeria  ayaa cod u qaaday  in lasiiyo  magan galyo  Madaxwayne  Yahya Jammeh , hadii uu ogalaado in  guul darraystay doorashadii dhawaan kadhacday dalka , oo uu sinabad ah u wareejiyo xilka.

Madaxwaynaha  Nigeria iyo  madax kale oo katirsan Africa  ayaa lafilayaa jimcaha maanta inay u safraan  dalka Gambia , iyaga oo u baxayo sidii ay  dhex dhexaadin siyaasad u sameyn lahaayeen. Madaxdan ayaa lafilayaa inay ku qanciyaan Yahye Jammah inuu xilka wareejiyo.

Madaxwayne Yahya ayaa ku andacoonaya in doorashada ay ku dhacday nidaam isdaba marin ah , sidaas darteed waxa uu  sheegay inuu rabo  in markale lagu celiyo dorashada,

Adam Barrow oo ku guuleystay  doorashadii dhawaan


kadhacday dalka ayaa sheegay dhankiisa  inuu lawareegi doono marka lagaadho xilliga xilwareejintiisa  19 januray.

COMMENTS