Guddoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay.
January 14, 2017 - Written by

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Sharmake Geelle oo dhalinyarada ururka YDAO ku maamuseen shahaado sharaf ay ku macneeyeen in uu ku soo baxay xog-ururin ay sameeyeen

munaasibadan si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen dhalinyarada ku dhaqan caasimada Hargeysa  ayaa xalay lagu qabtay hotelka bariga magalaada Hargeysa ee Mansoor

Kulankaas oo ay soo agaasimeen  ururka dhalinyarada ee YDAO ayey muhiimadiisu ahayd soo bandhiga xog-ururin ay mudooyinkii u dambeeyey ka diyaariyeen dhalinyarada ku dhaqan caasimada Hargeysa iyagoo waydiinayey masuulka ay u arkaan in uu hannaan wanaagsan u wado shaqada qaranka loo igmaday

Haddaba, waxaa xusid

mudan in ay gudoomiyaha da’da yar ee hogaamiya Hay’adda shaqaalaha dawlada Sharmake Geelle ay gudoonsiiyeen shahaado sharaf ay ku sheegeen in uu noqday gudoomiyihii ugu codka badnaa xog-ururintii  ay sameeyeen iyagoo goobtana ku soo bandhigay video muujinaya habkii ay xog-ururintaas u sameeyeen.

 

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha oo goobta ka hadlay ayaa dhalinyarada uga mahadceliyey dhiirigalinta ay u muujiyeen isagoo sidoo kale xusay in aanu abaal marintan u arkayn xurmayn oo kaliya balse ay u noqon doonto xujo ah in uu halkaas kasii badiyo

Isku soo wada duubo, gudoomiyahan dhalinyarada ah ayaa u muuqda mid RAJO u abuuray dhalinayaradii caddaalada  hamuunta badan u qabtay

 

COMMENTS