Raysal Wasaare Ku Xigeenka Xukumada Somaliya Oo ka soo hor-jeestay qodob ka mid ah heshiiskii Madasha.
August 12, 2016 - Written by
Muqdisho(www.Gacanlibaaxnews.com)_Raysal Wasaare kuxigeenka Xukumada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa Markii Ugu Horeysay ka soo hor-jeestay qodob ka mid ah heshiiskii Madasha Wada-tashiga qaran ee Somaliya , isaga oo ka hadlayay saami qeybsiga kuraasta aqalka sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland .
Raysal Wasaare kuxigeenka ayaa isaga baxay shirka Madasha Wada-tashiga, markii la akhrinayay war murtiyeedka, isagoo qoonsaday in qoondadii Somaliland ee aheyd 11 xubnood aqalka sare laga jaray saddex xubnood.
Waxaa uu sheegay inay arrinkaas Saluug san yihin , isla markaana aanay aheyn mid u cuntami karta, isagoo dalbaday in Madasha Wada-tashiga qaran ee somaliya ay dib u eegaan qodobkaas.
“Aniga ka mid baan ahay Madasha, runtiina wax badan oo fiicana ayay soo qabteen mudadii ay jirtan, laakiin waxaa moodaa qodobka ugu darnaa ee gocashada badan ka jirta waa qaabkii loogu qeybiyay beelaha dega Somaliland, cid kasta iyadaa taqaan sida ay u qeybsanayaan, ayaga in loo daayo aheyd dadka deegaankaasi waa is yaqaanaan, dowlad goboleedyadaba iyada qudhooda cid looma qoondeyn, marka waa in saami qeybsiga dib loogu noqdo”ayuu yiriRaysal Wasaare kuxigeenka Somaliya maxamed cumar carte.
Madasha Wada-tashiga qaran ee somaliya ayaa isku raacay in saddex ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Somaliland laga jaray, lana siiyay beelaha dega Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, taasoo oo ay deegaanadaasi ku muran san yihin somaliland iyo Puntland ,taasina macnaheedu tahay in Puntland loogu daray saddex xubnood 11-kii xubnood ee ay heysatay aqalka sare somaliland .
Hase ahaatee waxaa markii dambe Muran dheer iyo dagaal gacan ka hadal ah ka dib xaga danbe lagag daray labo xubnood xubnaha aqalka sare Somaliland, lana siiyay 10 xubnood Aqalka sare ah.
Si kastaba ha ahaatee odayaasha iyo Xildhbaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa qaadacay go’aanadii ka soo baxay Madasha wada- tashiga Qaran ee Somaliya oo Maalmihi ugu danbeyay hadal hayntiisu socotay ,