Guddoomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Booqday Mujaahid Ooto Biixi oo u Jiifay Xaalad Caafimaad.
August 29, 2016 - Written by

Guddoomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Booqday Mujaahid Ooto Biixi oo u Jiifay Xaalad Caafimaad.

Hargeysa(GLN)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo booqday Alle caafimaad deg dag ah ha siiyee Mujaahidka weyn ee Mujaahid Maxamed Biixi Caalin(Ooto Biixi) oo maalmahii ugu dambeeyey xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ay wehelinaayeen xubno ka mid ah xisbiga WADDANI, ayaa Mujaahidka ka xaal waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu si deg-dag ah uu xanuunka uga dul-qaado, ugu na bedelo caafimaad sareecan ah, isaga oo ballan-qaaday in ay ka xisbi ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan daaweynta Mujaahid Ooto Biixi.

Dhanka kale na Mujaahid Ooto Biixi oo xaaladdiisa caafimaad soo wanaagsanaanayso, ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyey soo booqashadiisa, isaga oo sheegay in hada uu wanaagsan yahay xaalkiisa caafimaad.

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin(Ooto Biixi) oo ka mid ah mujaahidiintii waaweynayd ee u soo halgamay dalka, ayaa xilligan ka tirsan siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee ku jira xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI.

Alle caafimaad deg-dag ah ha siiyo Mujaahid Ooto Biixi

COMMENTS