TACSI: Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Agaasimahii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland
August 30, 2016 - Written by

Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeynaaya Geeridii Ku Timi Agaasimahii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland

Innaa-Lillaahi Wa-Innaa Ileyhi Raajicuun

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weliba taageerayaasha tirada badan ee ku sugan guddo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee agaasimahii guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Maxamed Faarax Xirsi oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday Isniin/ 29.08.2016.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu ku siffeeyey in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, una sama-fala dadka danyarta ah. Isaga oo sida oo kale na ku tilmaamay in uu ahaa shakhsi si weyn uga soo qeyb-qaatay halgankii dib-u-xoreynta dalka iyo weliba nabad ku wada noolaashiyaha shacabka Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waxa uu ugu dambeyntii uu Eebe uga baryeyaa in uu Marxuumka godka u nuuriyo sida oo kale na uu jannatul fardowsana uu ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin

Innaa-Lillaahi Wa-Innaa Ileyhi Raajicuun

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland

 

COMMENTS