Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsiya Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe)
January 24, 2017 - Written by

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeย Marxuum Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe)ย oo ku geeriyooday 24/01/2017, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada dega. Waxaanu marxuumku la soo shaqeeyey xukuumadihii kala danbeeyey isagoo mar ahaa maayarka magaalada Burco, wasiiru dawlihii hore ee wasaarada arimaha gudaha

iyo wasiiru dawlihii hore ee wasaarada macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS