Guddoomiyaha Waddani Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Ku Timid Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Somaliland.
January 24, 2017 - Written by

Guddoomiye Cabdiraxman Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diraya Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Cabdirallahi Faarax Maydhane oo Jabuuti ku Geeriyoodey

Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Hoggaanka Xisbiga WADDANI, Xoghayeyaasha Xisbiga, xubnaha Golahaย  Fulinta ee Xisbiga WADDANI iyo dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, Qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti maanta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2017.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhaneย  ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka Somaliland, qoyskii, iyo guud ahaan

shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi

 

COMMENTS