Wararkii ugu dambeeyay weerarka Hotelka Dayax iyo dabley hubeysan oo gudaha u gashay
January 25, 2017 - Written by

Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, kaddib qarax xooggan oo ka dhacay afaafka hore ee Hotelka.

 

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhiftay agagaarka Hotelka oo ku dhow wadada Maka Al-Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogganaa uu sababay bur bur baaxad leh, isla markaana saameyay dhismayaal dhowr ah oo ku yaala wadada dhinaceeda iyo hotelka agagaarkiis.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay 5 maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha Hotelka galeen, kaddib qaraxa markii uu dhacay.

Rasaas culus ayaa gudaha hotelka laga maqlayaa, waxaana hotelka hareereeyay ciidamada ammaanka, dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid adag.

Qarax labaad ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow Hotelka, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd.

Hotelka la weeraray ee Dayax ayaa ka mid ah Hotelada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan inay degan yihiin Xildhibaano iyo dad siyaasiyiin ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, hase ahaatee magaalada Muqdisho ayaa ku jirta maalin kale oo argagax iyo murugo leh, kaddib qaraxa saaka dhacay ee magaalada oo dhan gil gilay.

COMMENTS