War Degdeg ah: Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Masuul Ka Tirsan Shirkadda Telesom
January 25, 2017 - Written by

Agaasimaha  Waaxda Arrimaha Bulshada ee TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax ayaa la sheegay in lagu xidhay xarunta C.I.D Ee Magaaladda Hargeysa Ka dib markii isaga oo ku hadlaya magaca shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom uu ka hor yimid go’aanka Ay Xukuumadda Soomaalilaan Ku xadiday lacagaha lagu qaadan karo isticmaalka adeegyada ZAAD ee shirkada Telesom iyo Edahab Ee SOMTEL.16174639_1302598993119531_5423548205127391054_n

Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in loogu danaynaynayo go’aankan cid gaar ah isla markaana lagaga xagliyay shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom.

Ciidamada Danbi Baadhista ayaa su’aalo ku saabsan sababta ka keentay hadalkan weydiinaya Cabdiwahaab Maax, waxaana Wasiir Xigeenka Maaliyadda Soomaalilaan Cali Dhagoolle Oo Warbaahinta La hadlayna waxa uu xusay in xukuumaddu Ammar ku soo saartay in la soo qabto.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland ayaa ku amartay shirkadaha adeegyada dhigaalka Lacagaha bixiya iyo sarrifleyaasha in ay u hoggaansamaan Ammarka uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland.

COMMENTS