Cuqaal Odayaal iyo Waxgaradka Beesha Bariga Gobolka Saaxil oo Beeniyay In Aay Ku Biireen Xisbiga WADANI
January 26, 2017 - Written by

Boqolaal Kamida waxgaradka Beesha Bariga Berbera oo Sheegay In Aay Yihiin Kuwii Lahaa Asadka Xisbiga KULMIYE, Waxaanay Been Abuur Ku Tilmaameen In Aay Ku Biireen Xisbiga Wadani

Cuqaal, Odayaal Dhaqmeed, Aqoonyahano iyo Waliba Boqolaal kamida Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada Ee Dadka Degaanka Xeebta Bari Ee Gobolka Saaxil Ayaa Si Adag Uga jawaabay Been

Abuur Aay Sheegeen In Uu Kula Kacay Xisbiga Mucaardka Ah Ee Wadani ,

Taasi Oo Aay Hadalka U Dhigeen In Bulshada Degaankaasi Xeebta Bariga Saaxil aanay Ku Biirin Xisbiga Wadani Ee Aay Yihiin Kuwii Aas aasay Xisbiga KULMIYE Ee Tacabkoodii iyo Maalkoodiiba Ku Bixiyay Maantana Aay garab Taagan Yihiin Mushraxa Xisbigaasi Kulmiye Ee u Taagan jagada Madaxwyne Nimo Ee Doorashooyinka Soo Socda Muuse Biixi cabdi

Munaasibadan Oo Lagu Qabtay Hoolka Wayn Ee Shirarka Ee Hotteel Mansoor Berbera Waxa Iyaguna Marti Sharaf Ahaan Uga Soo qaybgalay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil, Badhasabka Gobolka iyo Xubno Isugu Jiray Agaasimayaal Guud, Maareeyayaal, Xog Hayaha Degmad iyo ka Gobolka iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland,

Jiifka Caaqilka Guud Ee Bulshada Degaanka Xeebta Bari Ee Gobolka Saaxil oo Madashaa Ka Hadlay Ayaa Ku Tilmaamay Gef Aan haboonayn In Laga Been Sheego Mawqifka iyo rabitanka Shacabka Reer Saaxil Ee Bariga Berbera, Waxaan Sheegay In Aay Raacsan Yihiin Siyaasada Xisbiga Kulmiye Horena Aay Uga Tirsanayeen Iminkana Aanay Meelna Ku Doorsanayanin,

Sidoo Kalena  Cuqaal iyo Odayaal Tiro Badan oo xaflada Ka hadlay Ayaa Ku Dheeraaday Farogalinta iyo Waxa Aay Ku Timaameen Been Abuur Masiirkooda Laga Sheegay Waxaanay Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Ugu Baaqeen In uu Ka Waantoobo Hadalada Qalafsan Ee Ku Duro Dadka Reer Saaxil Waa Sida Aay Hadalka U Dhigeene, Waxaany Yidhahdeen,

Anagu Manihin Umad Silsilado Cid Ugu Xidhnayd, Waxaanad Nagu Sheegtay In Aad Silsiladihii Naga Jabisay, Hadalkaasi Waa Gef iyo Aflagaado Aad Kula Kacday Beesha Habarjeclo Ee Degan Bariga Gobolka Saaxil,

Haween Tiro Badan oo xaflada Ka Hadlay Ayaa Dhankooda Sheegay inay   Ka Carasanyihiin Magacooda Laga Been Abuuray Haween Ahaan iyo Beel Ahaanba, Waa Sida Aay Hadalka U Dhigeene,

Marwo Jamiila oo kamid Ahayd gabdhaha xaflada ka hadlay Ayaa Waxay Tidhi,

Waan  ka Xumahay In Laysku Dayo Afduub Siyaasadeed oo Beeshan Bariga Gobolka Saxil Lagula Kaco, Waxaan Idiin Sheegaya Ayaay Tidhi Marwo jamiila Anagu Waxaanu Nahay Kuwii Lahaa Xisbiga KULMIYE Markaa Nin Xisbi  lihi Maxuu Kadoonaya Xisbi Kale,

Waxaase Nasiibdaro ah Ayaay Tidhi Inta Afar qof oo Beeshana Meel Lasoo Joojo in La Yidhaa Beeshani Waxay Ku Biirtay XISBIGA WADANI,

Ugu danbayntiina Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil iyo Masuuliyiintii Ka Socday Xukuumada Somaliland Ayaa Siwayn Ugu Amaanay Hormoodla Beeshaasi ee Xafladan Qabsaday Sida Aay Mawqfkooda u Cadeeyeen, Una Beeniyeen Aragtida qaldan ee Xisbiga Wadani Kula Kacay,

 

COMMENTS