Trump oo amray in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico
January 26, 2017 - Written by

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo saaray warqad uu ku amrayo in la billaabo dhismaha derbiga xuduudda Mexico.

Wuxuu sidoo kale saxiixay in la qaado tallaabo dhaqaalaha looga yareynayo magaalooyiinka Mareykanka ee ay ku badan yihiin dadka muhaajiriinta ah “ee aan warqadaha sharciga ah haysan”.

Balse, aqalka wakiillada ayaa laga doonayaa inuu meelmariyo hanaanka iyo dhaqaalaha oo lagu qiyaasayo inay balaayiin dollar gaareyso.

Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga

Mexico oo qeexday qaabka ay Trump ula dhaqmeyso

Dhismaha derbiga dherirkiisu yahay 2,000 oo meyl, wuxuu ahaa mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee Trump, xilligii ololaha doorashada.


‘Mexico ayaa bixineysa qarashka derbiga’

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka.

Wuxuu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciidamada amniga gudaha ee Mareykanka ka shaqeeya.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.

Derbiga hadda ka dhisan qeyb ka mid ah xuduudda Mexico iyo MareykankaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionDerbiga hadda ka dhisan qeyb ka mid ah xuduudda Mexico iyo Mareykanka

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha,” ayuu yiri. “Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago uu wanaagsanaan doono.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, si uu Trump ugala hadlo dhismaha derbiga iyo danaha dalkiisa.

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

Horraantii Arbacadii, Mr Trump wuxuu sheegay in dowladda Mexico ay bixineyso dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga xuduudda.

“Waxaa jiri doono lacag ay bixinayaan. waxay noqoneysaa arrin cad, dhabcan qaab adag,” ayuu yiri Trump.

Donald Trump wuxuu sheegay xilli uu wareysi siinayay TV-ga ABC, in Mexico “ay Mexico ay bixineyso boqolkiiba boqol, dhismaha derbigaas”.

Balse madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa cambaareeyay Donald Trump, wuxuuna sheegay inaysan bixineyn hal shilin xittaa.

Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu joojiyo kullan uu isbuuca soo socdo la yeelan lahaa Trump.

Wuxuu sheegay inuu difaaci doono xuquuqda dadka tahriibayaasha ah, ayna yihiin meel la isaga gudbo.


Xayiraadda dalalka qaar ee Muslimiinta

Donald Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu shaaciyo xayiraado dhanka socdaalka ah inuu saaro todobo dal oo Afrika ah iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga dhexe.

Dukumiinti amar ah oo ka kooban sideed bog ayaa warbaahinta loo kala diray, kaas oo ku qoran yahay xayiraadda dhanka socdaalka ah.

Waxaa ku qoran in madaxweyne Trump uu joojinayo muddo afar bilood ah barnaamijka qaxootiga ee Suuriya, iyo guud ahaan mashaariicda qaxootiga.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu hakiyo fiisaha ama dal ku galka la siiyo muwaadiniinta dalal aan la magacaabin oo lagu sheegay inay amniga Mareykanka halis ku yihiin.

Dhibaato soo foodsaartay Muslimiinta Mareykanka

Qareenada arrimaha socdaalka waxay BBC-da u sheegeen inay aaminsan yihiin in dalalkaasi ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Sudan, Soomaaliya iyo Yaman.

Aqalka Cad ayaa diiday inuu faafaahin ka bixiyo dukumiintiyada, waxaana suuragal ah in is bedel lagu sameeyo ka hor intaanan la saxiixin.

Saxaafadda oo si caro leh ugu jawaabtay Trump

Masaajiddo ku yaal Mareykanka oo loo hanjabay

Donald Trump ayaa u muuqda inuu dib fulinayo ballanqaadyadiisii xilligii ololaha ee ah in Muslimiinta uu ka mamnuucayo Mareykanka.

Sharciga waxaa qasab ah inay magaalooyiinka Mareykanka taageeraan si uu u dhaqangalo ayna u caawiyaan laamaha socdaalka ee dalkaas.

Maadaama aysan ahayn xeer rasmi ah, qaabka dhaqan gelinta ayaa suuragal ah in lagu kala duwanaayo.

COMMENTS