Doodaha Jiilashii Kala Duwanaa Ee Soomaalida. WQ: Cali Cabdi Coomay
January 26, 2017 - Written by C M

Kala aragti-duwanaashaha bulshada Soomaalida, waxa laga dhex arki karaa hadalada iyo ficilada ay muujinayaan dadku markay ku sugan yihiin fagaareyaasha fadhiyada la isugu yimaado. Jiil kastaa wuxuu ku doodaa in ay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa markay ahaayeen daโ€™yarta ama ay ku jireen shaqooyinkii ay qaban jireen. Markaad la sheekaysto dadka waayeelka ah, wuxuu oday kasta ama islaan kastaa la soo boodaysaa waxa aanu ahayn kuwa sidaasi ah, oo hadana sidaasi ah cid nala mid ahayd weli may soo marin Soomaalida.

Hadaba halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa qaybaha bulshada iyo noocyada cadhada haysa:

  • Dadka qaar maqalka erayga โ€œXaaslaaweโ€ ayay ka cadhaysan yihiin.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin dawladan Somaliland ee dhawr iyo labaanka sanno lagu celcelinayo, ee aan aqoonsi hayn.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin aqoonta iyo talada ku jirta, ee ay gidaarada la fadhiyaan iyadoo cidina ka qaadanayn.
  • Wadaadadiina qoloba qolay ka cadhaysan yihiin. Dadkiina waxay ka cadhaysan yihiin, maxaa loo kala saari waayay wadaadadan kitaabka wada sita ee hadaba aan wada socon, ee kooxo-diimeedka ku kala jira.
  • Dadkii hore ee wax bartayna waxay ka cadhaysan yihiin, dadkan dambe ee la leeyahay wuxu ku takhasuusay waxaa ama wuxuu sitaa P.H.D, Oo dadkii hore uunba wax bartay ayaa ku qufulan.
  • Salaadiintii horena waxay ka cadhaysan yihiin suldaankan foojariga ee wixiisu yahay fadlan ku shubo ee dhawaan soo baxay, ee jilib kastaa dhawr suldaan yeeshay.
  • fannaaniintina waxay ka cadhaysan yihiin qoladan yar yar ee fannaaniinta cusub isku sheegay ee wax aanay lahayn durmaan u tumanaya.
  • Dadka carabaha ka shaqaystaana waxay ka cadhaysan yihiin dadkan yurub tegay ee ka soo shaqayta ee muddo sannad ah shan guri soo dhistay, halka iyagu soddon sanno oo ay carabaha joogeen aanay waxba dhisan.
  • Dadkii aqoonta lahaana waxay ka cadhaysan yihiin markuu qof aan magaciisa qori karani la dooddo ama afmiishaar uu afsoomaali uu isku-toosiyey kala horyimaado.
  • Reer magaalkina waxay ka cadhaysan yihiin marku qof imika yimid magaalada uu uga sheekeeyo hadda waa tuu ku dhashay.
  • Indheergaratadi waxay ka cashaysan yihiin kooxahan afmiishaariinta ah ee meel kasta xuurtada ku haysta, ee cid kast af ku khaarajinaysa.
  • Bangiyadii waxay ka cadhaysan yihiin xawaaladahan suuqii ka saaray.
  • Qaarna waxay ka cadhaysan yihiin, iyagoo xaas aan lahayn oo balwad leh arkayana qaadka iyo sigaarka yaalla magaalada oo aan wax ay ku iibsadaan hayn.
  • Hablihii horena waxay ka cadhaysan yihiin, hablahan dambe ee iyagoo toban jir ah nin raadinaya, halka hablihii hore iyagoo mudakar ah nin ay guursan jirtay.
  • Tagsiilihii wuxuu ka cadhaysan yahay Tukhaanka suuqii ka saaray ee aan shidaalba cunayn.
  • Abwaanadii hore waxa ay ka cadhaysan yihiin yaryarkan dambe ee maray afar xaraf o oaf-suuqdi ah isu-geeyaan sheegayana derejada abwaannimada.
  • Qorayaashii hore waxa ay ka cadhaysan yihiin qorayaashan dambe ee markay 20 xaashiyadood isku geeyaan ee madbacadaha casriga ah ku daabacaya ee qoraa sheeganayaa.
  • Suxufiyiintii hore waxa ay ka cadhaysan yihiin suxufiyiinta dambe ee muddo kooban ku soo shaac-baxaya, ee ay saacidayso tiknoolajiyadu.

Dhammaan qoddobadaasi is-maandhaafka ah ayaa hadh iyo habeen ka dhextaagan bulshada Soomaalida ee geeska afrika ku dhaqan, waanay adagtahay in meel ay ka wada biyo cabbaan xubnaha doodahan kala aaminsan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@hotmail.com

======================================================================================

Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.

COMMENTS