Sicir bararka iyo qiime dhaca shilinka Soomaaliland. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder)
January 26, 2017 - Written by C M

Beryahan waxa soo xoogaysanayey cabashada bulshadu muujinayso ee ku aaddan dhibaatada sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka soomaaliland, halka markasta oo arrintaas laga hadlo ay xukuummaddu sababta u celiso adeegsi yarida lacagta shilinka ah, iyadoo ku sababaynaysa in doollarka iyo lacagaha ili-ma-aragtayga ah ee eDahab iyo Zaad ay suuqa ka saareen.

Marka aad u fiirsato dhibta jirta iyo fahamka dadka ee dhibtaas ku aaddan iyo tallaabooyinka xukuumaddu qaaday ilaa imika si ay dhibaatadaas u daweyso, waxa kuu muuqanaya in saddexdan arrimood laysku khaldayo, lana doonayo in inta hal shay layskaga dhigo hal dab lagu wada daweeyo:

  1. Qiima dhaca sarrifka shilinka Soomaaliland.
  2. Xaddiga adeegsi ee bulshada ee shilinkaas?
  3. Sicir bararka badeecadaha iyo qiimaha adeegyada kala duwan.

Qormadani si kooban oo guud isla markaana fudud ayey arrimahaas u taabanaysaa, isla markaana meesha eeshu taallo ee daweynta u baahan iyo dawada u dul istaagaysaa, waa aragtida qoraaga e.

Lacagta waxa qiimo u yeela heerka kalsoonida bulshadu gaadhsiisan tahay iyo heerka adeegsigeedu gaadhsiisan yahay oo ay ugu muhiimsan tahay in lagu qiima-goosto.

Shilinka Soomaalilaand waa lacagta rasmiga ah ee dawladda, dhinaca kale doollarku waa lacagta lagu qiimeysto dhammaan adeegyada iyo badeecadaha dalka.

Shay kasta oo aad u baahato inaad iibsato ama adeeg kasta oo aad u baahato in laguu qabtaa, waxa uu ku qiimaysan yahay doollar, xataa haddii shilin laguugu sheego waxa uu ku fadhiyaa doollar, is beddelkiisuna waxa uu ku xidhan yahay is beddelka doollar ka.

Taasi waa xaqiiqada suuqa taalla ee aan la is diidsiin karin.

Intaa haddaad qirto, ogow in shilinku marti yahay, qiimihiisuna ku xidhan yahay qiimaha alaabta aad u baahan tahay ay doollar ahaan ka joogto.

Qiima dhaca shilinka Soomaaliland aragtidayda waxa sabab u ah arrimahan:

Isbeddelka qiimaha shilinku waa mid ku xidhan qiimaha adeegyada iyo badeecadaha is beddelkooda, iyagaa xukuma ee isagu ma xukumo, tusaale aan ku siiyo:

Haddii nafarka bariiska ahi uu qiime ahaan joogay 3000 Shl, haddii bariiskii debedda ka qaali garoobo, oo hudheellihii kiilooga lagaga iibin jiray 0.6$ uu ku soo iibsado 0.8$, isla markiiba waxa uu nafarkii bariiska ahaa ku iibinayaa 4000 shl. taa macnaheedu waxa weeye, shilinka sicirka badeecadda ayaa saameeyey, badeecaddana saameynta qiimaha debedda ayaa raadeeyey.

Lacagta dal leeyahay waxa xoojiya awoodda wax soo saar ee dalkaasi leeyahay, inaggu wax soo saar aynu lacag adag ku hello ma lihin, lacagta adag ee aynu adeegsanno waxa ugu muhiimsan doollarka Mareykanka.

Doollarku waa lacagta ugu adeegsiga ballaadhan adduunka, had iyo jeer waxa saameyn ku yeesha dhacdooyinka waaweyn ee dunida, waxaanay saameynta ku timaaddaa raad ku yeelataa qiima korodhkiisa ama qiima dhaciisa.

Haddaba mar kasta oo labadan arrimood ee hoose midkood yimaaddo inagana saameyn taban ayey inagu yeeshaan, maadaama oo aynu doollarka u isticmaallo halbeeg qiime oo aynu wax ku soo iibsanno, isla markaana nolosheenna inta ugu badani ku tiirsan tahay waxa aynu debedda kala soo degno:

1- Haddii sarrifka doollarka qiime dhac ku yimaaddo marka loo eego lacagaha kale ee adduunka, islamarkaana ay yaraato awooddiisa iibsi ee alaabooyinka iyo adeegyada, waxa inagu qaali garooba waxaynu la soo degaynay.

2- haddii suuqa alaabooyinka iyo adeegyadu qaali garoobaan, taasina ay saameyso qiimaha doollarka ee dhinaca awoodda iibsiga, waxa ay ka dhigan tahay inuu qiima dhac doollar inagu dhacay oo aanu awooddii iibsi ee hore lahayn, isla markaana alaabti inagu qaali garowday.

Haddaba maadaama oo aynu lacag adag oo ajnebi ah wax ku qiima goosanno, taasoo dollar ah, waxa is waydiin mudan, lacagtaasi xaggee ayey inooga timaaddaa?

Lacagtaas waxa ay inaga soo gashaa dhowr irridood:

1- Xoolaha la dhoofiyo waxa aynu ka hellaa lacag adag, waana waxa keliya ee aynu leenahay isla markaana ka sameynno dhaqaale debedeed oo buuran.

2- Lacagaha mucaawinooyinka ah, ha ahaadeen kuwo dawlado ama hay’ado inagu caawiyaan oo ay kaabitaan dhaqaale inoo siiyaan amaba mashaariic waxtar leh ku fuliyaan.

3- Lacagaha dadkeenna debedaha joogaa soo xawilaan, ha ahaadeen kuwo la masaariifsado ama kuwo ay ku abuurayaan ama ku xoojinayaan ganacsiyo gudaha uga socda e.

Saddexdan qodobba is beddel wayn baa ku yimi, xoolihii waa la joojiyey, sidaasna waxa ku yaraatay lacagtii adkayd ee aynu debedda ka helaynay.

Mashaariicdii waxtarka lahayd ee ka iman jirtay debeddu way is dhintay, hoos u dhac dhaqaale oo adduunka ka jira iyo kacdoonka dalalka carabka ka taagan awgood.

Lacagihii dadku soo xawili jireenna sharciyo adag ayaa lagu soo rogay oo way yaraadeen, amaba dhaqaalihii waddamadii wax laga soo diri jiray ayaa is dhimay oo awooddii dadkii wax soo diri jiray ayaa iyana yaraatay.

Labadan arrimoodka isu geyntooduna waxa ay yareysay lacagtii adkayd ee aynu heli jirray.

Arrimahaas iyo arrimahan soo socdaba waxa ka dhashay:

1- In lacagta shilinka ahi ay ka badato lacagta doollarka ah ee suuqa wareegaysa, taasina waa ta keentay qiima dhaca shilinka Soomaaliland.

2- Waxa kale oo qiima dhaca shilinka ka qayb qaatay:

A- Xukuumaddu waxa ay soo daabacday lacago badan, oo weliba noodh waaweyn ah (5000 Shl), taas waxa ka dhashay in lacagtii noodhka yaryar ahayd, 50 kii iyo 100 kii ay ka baxaan suuqa iyo in lacagtii shilinka ahayd ay mar kale aad uga tiro badato lacagtii ka soo horjeeday ee lagu sarrifayey, taasina ay qayb ka noqoto qiima dhaca shilinka.

B- Muddo yar ka hor xukuumaddu waxa ay shirkadaha Somtel iyo Telesom amartay inay sameeyaan adeegyo eDahab iyo Zaad ah oo SHILIN SOOMAALILAND AH, tani waxa ay sii kordhisay baaxadda lacagta shilinka ah ee suuqa wareegaysa, waxaanay ka qayb qaadatay qiima dhaca shilinka Soomaaliland ee dhinaca sarrifka- qodobkan dhugmo u yeelo.

C- Musiibada musiibada ah, ee aanay musiibo ka danbeyni waa aafada qaadka, maalin kasta boqollaal kun oo doollar ayaa iyada oo doollar ah gawaadhi lagu qaadaa oo suuqa laga saaraa, isla markaana xuduudda Itoobiya inoo dhaxaysa laga tallaabiyaa- waa culays joogto ah oo ku socda sarrifka shilinka Soomaaliland- ogsoonow inay Itoobiya wakhtigan xidhay xuduuddeeda oo dhan oo qaad ka soo baxa iyo lacagtiisa oo jawaanno ku jirta oo gasha mooyee aanu dalkani wax kale gelin karin, waxna ka soo iibsan karin !

Billaahi calaykum, marka maalin kasta $800,000, (sideed boqol oo kun oo doollar) laga saaro suuqa Soomaaliland, beddelkeedana lacag intaas u dhiganta oo dalka soo gelaysaa aanay jirin, siday suuro gal u tahay in lacagta shilinka ah – ee inay soo badato mooyaane aan is dhiimayni – u noqon kartaa mid sarrifkeedu fadhiyo oo aan is beddelin?

DHIBAATO HOR LEH !

Joojinta adeegsiga Zaad iyo eDahab, waxay ay abuuraysaa mushkilad dhaqaale oo hor leh, mana noqon doonto xal wax tar leh oo dhibta jirta lagu xalin karo.

Waxay keeni doontaa burbur dhaqaale oo kale, shaqo la’aan baahda iyo weliba xaddiga wax kala iibsi oo hoos u dhac wayni ku yimaaddo.

Waxa ka dhalan karta mushkiladda bulsho oo hor leh, is xidhiidhintii iyo iscaawintii bulshada ayaa aad isu dhimi doonta iyaduna.

Ugu danbeyn denbiga loo celiyey shirkadahaasi waxa uu ka dhigan yahay waxa cilmiga lagu yidaahdo: “Obervational bias ama street light affect”.

Taasoo ah in sababta dhabta ah ee dhibaatada keentay laga xeeladaysto oo meel aan sax ahayn madaxa loo saaro, isla markaasna xalka laga raadiyo, bal sheekadan yar ila dhugta: “(Nin police ah baa arkay nin laambad hoosteeda meeraysanaya, markaasuu waydiiyey “maxaa kaaga lumay meeshan?, wuxuu ugu hal celiyey “furayaashii gaadhigayga, ka dibna si uu u caawiyo ayuu la hawlgalay oo la baadhbaadhay, goortii waxba la waayey, ayuu askarigii mar kale waydiiyey: Ma hubtaa in furayaashu halkan kaaga lumeen?, Kuye: “mayee waxay igaga lumeen beerta”!. Askarigii: “Oo haddaa maxaad halkan uga baadheysaa”?,

Ninkii : “HALKAN BAA IFTIIN FIICAN LEH” !.

MAXAA XAL NOQON KARA:

1- Sicir bararka badeecadaha iyo maceeshadda waxa keeni kara saameyn debedda ah, taasna waxba lagama qaban karo, inta baahida debedda loo qabaa taagan tahayo.

2- Xukuumaddu sababaha sicir bararka keenaya ee ay wax ka qaban karto ha ka qabato, sida inay cashuurta ka dhinto waxyaalaha daruuriga ah ee waxtarka muuqda u leh dadka iyo dalka, isla jeerkaasna wax yaalaha iska raaxaysiga ah cashuurta ku kordhiso.

3- In shaqaalaha dawladda ee mushaharkoodu shilinka yahay loo kordhiyo mushaharka iyada oo la dhimayo kharashaadka malaayiinka ah ee ku baxaya meelaha aan muhiimka u lahayn nolosha bulshadan.

4- Waa in dalkan maalgashi loo helaa, waa in shaqo abuur sidii loo sameyn lahaa la geliyaa maskaxda lagu mashquuliyey kaambaynka reeraha iyo kala gadashada siyaasiyiinta.

5- Xalka ugu muhiimsan uguna saamaynta badani waa in qaadka la joojiyo, haddaan la awoodin waa in tallaabooyin kale oo lagu xakameynayo la qaado, waa in cashuurta lagu kordhiyo, haddaan la doonayn waa in lacagta doollarka ku baxaysa la joojiyo oo Bir loogu sarrifaa, Bir na loo diraa, haddii la is diidsiiyo, xal lama doonayo ee aynu runta isu sheegno.

6- Talada waa in aqoonta, waayo aragnimada, dadka danqashada bulshadu ku danbeyso laga dayaa, oo tala raadinta lafteedu aanay maroorsi iyo shaqo siin noqonin.

Taladu bulshaday dhextaallaa, taabba gelinteedana dawladdaa leh.

Dr. Cabdiqani Xuseen (Beder).

===================================================================================

Gacanlibaaxnews masuul ka ma aha habka iyo curinta qoraalkan ee waa fikir iyo aragti u gaar ah qoraha. Waxa se Gacanlibaaxnews masuuliyadi ka saran tahay hubinta iyo kala haadinta ka qoraallada ka hor inta aanaan idiin soo baahin.

COMMENTS