Kooxda Al-Shabaab Oo Markii Ugu Horeysay digniin ka soo saartay qaadashada Kaadhadhka Aqoonsiga Somaliya.
August 31, 2016 - Written by

Muqdisho(GLN)_Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay qaadashada kaadhadhka aqoonsiga ee Maamulka Gobolka Banaadir uu bilaabay, iyaga oo uga digtay shacabka inay ku dagmaan waxa loogu yeedhay shirqool sida uu hadalka u dhigay.

kooxda Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay inay uga digayaan shacabka magalada  Muqdisho iyo hareerihiisa inay qaataan kaadhka aqoonsiga oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dhibaato ah

“Waxaa shacabka u sheegeynaa inay ka digtoonaadaan meelaha kaadhadhka aqoonsiga lagu jaro, ujeedooyin laga leeyahay waa kuwo fara badan oo ah mid dhaqaale iyo in xogta dadka muslimiinta u gacan geliyaan gaalada”ayuu yidhi  Afhayeenka Kooxda Al- shabaab Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan goobaha ay ka socoto bixinta kaadhadhka aqoonsiga, isagoo ugu baaqay shacabka magalada  Muqdisho inay ka fogaadaan.

Dhinaca kale Cali Dheere ayaa ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Hotel SYL, waxaa uu sheegay in hotelka uu ahaa godka sharta ah, lagana soo maleegayay dhibaatooyinka dadka muslimiinta ah sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Hotelka xilliga qaraxa ka dhacayay uu ka socday shirar ay lahaayeen Wasiirada iyo Xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee xubnaha ka ah dowladda, waxaana uu intaa ku daray in weerarkaas is-miidaaminta lagu dilay afartameeyo qof, halka dhaawaca uu 70-gaarayo sida uu yidhi.

Ugu dambeyn Afhayeenka kooxda  Al-Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan maqaaxiyaha iyo hotelada ku yaala Muqdisho ee ay ku sugan yihiin mas’uuuliyiinta ka tisan xukumada somaliya .

Sikastaba ha ahaate dhawaan ayey ahayd markii xukumada somaliya ayaa ku dhawaaqday in ay bixinaso kaadhadhka Aqoonsiga somaliya,iyada oo kooxda Al-shabaab ayaa durbaba digniinka soo saartay qadashada kaadhka .

Abdihakin Mohamed Hassan Qibro

www.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS